Dalka Dadkiisu Ay La’yihiin Lacagaha Howlgabka

0
344

Dalka Dadkiisu Ay La’yihiin Lacagaha Howlgabka

 

Vesta (Bidix) iyo Teddy lamaane
 

Lamaanaha kala ah Teddie iyo Vesta ayaa waxay mar walba ku fikiri jireen in si sharaf leh ay ku noolaan doonaan sanooyiinkooda dahabiga ah ee howlgabnimada ka dib.

Teddie waxa uu hadda jiraa 85 sano, waxa uuna muddo 46 sano ah u shaqaynayay hal shirkad oo uu ka ahaa nadiifiye islamarkana uu markii dambe ka noqday qofka jooga xafiiska soo dhaweynta.

Vesta ayaa sheegtay in sicir-bararka ka jira dalka oo sare u kacay uu kala dhantaalay in ay qaataan noolal howlgabnimo oo raaxo leh.

Sanad ka hor ayaa waxaa Teddie uu qaadan jiray lacag howlgabnimo ah oo dhan $80 bishii waxayna taasi imika u dhigantaa $10.

“Aad ayaan uga naxay markaan arkay qofkii aan jeclaa oo fadhiya geeska guriga subaxii ilaa caawa ,” waxaa sidaas BBC u sheegtay Vesta.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan siiyo moos,Liin iyo cabitaan qabow,balse ma awoodo ,mooska qiimihiisu waa $0.40.”

Calaamadaha burburka dhaqaalaha meel kasta ayuu ka muuqdaa,suuqyada badeecooyiinka lagu iibiyo ayaa ah kuwa dadku ay buuxaan maalmahan.

Qiimaha cunnooyiinka asaasiga sida sokorta iyo Saliida cunada lagu karsado ayaa sare u kacay 200% muddo 12 bilood gudahood ah , sida ku cad daraasad rasmi ah oo la soo saaray.

Waxaa sidoo kale sare u kacay qiimaha adeega caafimaadka dalkaasi Zimbabwe.

Dhanka kale qiimaha Rootiga ayaa sare u kacat tan iyo bishii April ee sandkan.

Laga soo billaabo bishii June 2019 ee sanadkan sicir-bararka ayaa gaaray 98%. bishii July, waxaa dib loo soo saaray lacagta Zimbabwi ee doolarka ka dib markii toboneeyo sano la isticmaalayay lacagaha qalaad sida doolarka Mareykanka,wuxuuna sicir-bararku gaaray sanadkii 176%.

Qiimaha lacagta Zimbabwi ayaa hoos u sii dhaceysay ,balse dowladda ayaa joojisay daabacaada daraasadaha sicir-bararka.

Dhibaatada dhaqaale ee ugu dambeysay ayaa ku soo beegmaysa iyada oo uu madaxwaynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa uu xusayo sanad guuradii ka soo wareegtay markii la doortay.

Robert Mugabe ayaa xilka laga qaaday ka dib markii ninkii ay sida aadka ah isugu dhawaayeen uu talada la wareegay isaga oo gacan ka helaya militariga bishii November 2017.

Dalka Zimbabwi ayaa waxaa doorasho laga qabtay sanadkii xigay 30 bishii July.

Madaxwayne Mnangagwa ayaa ugu magac daray xiligaas “dhalasahada jamhuuriyadii labaad” – taasi oo ku saleysan dib u soo kabasho,xoojinta dimuqraadiyada iyo in dib loo milicsado nidaamkii toboneeyo sano uu ku shaqeynayay ninkii isaga ka horeeyay.

Dad badan oo reer Zimbabwi ah ayaa marki hore aaminsanaa madaxwayneEmmerson Mnangagwa.

Waxay dadka rajeynayeen in xil ka qaadistii Mr Mugabe ay dhiirigalin doonto maalgashadayaasha iney dib us oo laabtaan islamarkana lacagtii ay ganacsatada u baahnaayeen ay iman doonto.,balse rajadaas ayaa noqotay mid beenowday islamarkana waxaa dib u soo laabtay dhibaatooyiinkii hore.

Shidaalka ayaa ah mid gabaabsi ah islamarkana waxay dowladda sheegtay in aysan hayn lacago qalaad oo ay ku soo iibiso,waxaa sidoo kale dib u soo laabatay koranta la’aantii jirtay.

‘Ma jiro xal degdeg ah ‘

Ganacsatada ayaa waxay sheegeen in xitaa mararka qaar ay korantada maqnaato maalinkii 18 saacadood ,waxaana taasi ay sababtay qasaaro dhan $200 milyan oo ah dakhligii soo gali lahaa dalka .

Cunug imtaxaanak ku aqrisanaya Shumac magaalada Harare June 2019

Wasiirka cusub ee tamarta ee dhawaan la magacaabay Fortune Chasi ayaa rumaysan in uusan jirin xal degdeg ah.

Iyada oo ay jirto in sare loo qaaday qiimaha korantada 300% ayaa hadana korantadu waxay tahay mid gabaabsi ah islamarkana shirkada korantada ee Zesa, ayaa ah mid lacag la’aan ah.

“Carada iyo jahwareerka waa mid la fahmi karo ,” waxaa sidaasi BBC u sheegay wasiirka tamarta Mr Chasi.

Khubarada dhaqaalaha ayaa waxay sheegayaan in sicir-bararku uu yahay mid sii socon doona ,wax soo saarka gudaha dalka ayaa sidoo kale hooseeya taasi oo sababtay in lagu tiirsanaado waxyaabaha dibada dalka laga soo dhoofiyo.

Lacagaha ay dowladda qarash gareyso ayaa sidoo kale ah kuwa aad u badan islamarakna waxaa aad u hooseeya kalsoonida maalgashadayaasha.

Emmerson Mnangagwa

Xukuumadda aya aoso saartay tallaabooyiin gunti-giijis ah taasi oo ay ak mid tahay in hoos loo dhigo qiimaha shidaalka ,korantada iyo adeega caafimaadka.

Madaxwayne Mnangagwa ayaa rumaysan in tallaboyiinkan ay horseedayaan sare u qaadida wax soo saarka.

Balse dadka dhaliila Mr Mnangagwa ayaa sheegaya in uu indhaha istirayo islamarkana uu si degdeg ah ku dhaqangalinayo nidaamyo aan laga fiirsan islamarkana aan laga tashan.

Waxa ay rumaysan yihiin in uu Zimbabwi dib ugu celinayo dhibaatadii 2008.

Waqtigaasi waa xilligii sicir-bararka Zimbabwi uu gaaray500%. islamarkana ay heerkii ugu hooseeysay ay gaartay qiimaha lacagta Zimbabwi.

Dhaqaalyahan Godfrey Kanyenze ayaa sheegaya in dalka uu qarka u saaran yahay sicir-barar aad u sareeya.

“Sara u kaca sicir-bararka waa markii uu sicir-bararka uu bil walbo gaaro 50%,”ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here