Taageerayaasha labo koox-kubadeed oo foodda is-daray iyo khasaare dhimasho iyo dhawac ka dhashay:

0
314

Ugu yaraan saddex taageera ayaa ku dhintay, toban kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal gacan-ka-hadal ah oo ku dhexmaray dalka Honduras taageerayaasha labo kooxood oo dalkaasi ka dhisan.

Labada kooxood oo kala ah C.D. Olimpia iyo Motagua islamarkaana horay xifaaltan iyo dagaal uu ka dhexeeyay ayaa xalay foodda isdaray kadib markii lagu dhawaaqay in la joojiyay ciyaartii dhex mari laheyd kadib markii taageerayaasha C.D. Olimpia ay weerar dhagxaan ku qaadeen bas ay saarnaayeen ciyaaryahhanada kooxda Motagua, saddex ciyaaryahanna ku dhaawacay.

Markii lagu dhawaaqay in la baajiyay ciyaarta ayaa waxaa ay xaaladdu noqotay mid sii cakirantay oo dagaal gacan ka hadal u dhexeeya taageerayaasha labada kooxood uu bilaabmay.

Taageerayaasha oo garoonka dhexdiisa isla soo galay ayaa waxay isu adeegadeen rasaas iyo tooray xilli booliskuna ku kala dhex jiro, waxaana goobta lagu dilay saddex ruux, halka toban kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Booliska ayaa xabsiga u taxaabay ruux bastoolad ku hubeysnaa kaas oo la sheegay in uu rasaas dadka la dhacayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here