Muxuu Maamulka Koonfur Galbeed Ka Sheegay Safiirka Peru Ee Qaramada Midoobay?

0
440

Wakiilka dowladda Peru u qaabilsan golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladdiisu ay aad ula dhacsan tahay horumarrada laga sameeyay xaaladda Soomaaliya, muddadii ugu dambeysay, wuxuuna ammaanay xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Gustavo Meza-Cuadra oo ka qeyb galayay kulan ay golaha amaanka ka yeesheen arrimaha Soomaaliya, oo dhawaan ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ayaa khudbaddiisa uga hadlay dhinacyo badan oo la xiriira xaaladda waqti xaadirkan ka jirta Soomaaliya.

Waxa uu ugu horreyn u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Golaha amniga Joanna Wronecka, oo sidoo kale ah wakiilka joogtada ah ee dalka Poland u qaabilsan Qaramada Midoobay, taasoo shir guddoomineysay kulanka khaaska ah.

.

Diblomaasigan ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in iyadoo ay dowladda Soomaaliya horumar ka sameysay dhinaca howlaha amniga ay haddana wali Al-Shabaab sii waddo inay qaraxyo waaweyn ka fuliso dalka.

Xiriirka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa diiradda ku saaray khilaafka xukuumadda dhexe iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in amni la helo ay ku xiran tahay wadashaqeyn dhex marta labada dhinac.

“In si buuxda loo sugo amaanka, lagana adkaado Al-Shabaab waxay suurtagaleysaa marka ay wada shaqeyn buuxda yeeshaan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada hoos taga, waxaana ugu baaqi lahaa inay miiska wadahadalka ku dhammeeyaan farqiga u dhaxeeya”, ayuu yiri.

Si gaar ah wuxuu danjiruhu hoosta uga xarriiqay wadashaqeynta “wanaagsan” ee ka dhaxeysa xukuumadda Muqdisho iyo maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ka xuso horumarka laga sameeyay xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeynta ay wadaagaan madaxda dowladda Federaalka iyo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, arrintani waxay wax badan ku kordhineysaa dadaalka loogu jiro sidii ay Soomaaliya amnigeeda gacanta ugu dhigi lahayd sanadka 2021-ka”, ayuu yiri Gustavo Meza-Cuadra.

.Lahaanshaha sawirkaGOOBJOOGImage captionMadaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)

Wuxuu labada dhinac ku boorriyay inay wadashaqeyntooda sii wadaan, isagoo rajeeyay in la hagaajiyo xiriirka dowladda dhexe la leedahay dhammaan maamullada kale ee ka jira Soomaaliya.

Xiriirka xukuumadda Federaalka ay la leedahay maamulka uu fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ayaa hagaagay markii uu meesha ka baxay maamul goboleedkii hore ee uu hoggaanka u hayay Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Cabdi Casiis Lafta Gareen oo hadda madaxweyne ka ah Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay doorashadii maamulkaas oo uusan loollan adag ku wajihin, ka dib markii uu tanaasulay Shariif Xassan, halka Mukhtaar Roobow, oo ahaa musharrax saameyn weyn leh ay dowladda dhexe xabsiga u taxaabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here