Aabbaha Dhalay Gabadh Loo Khaarajiyay Sawirka Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Wareysi Xasaasi Bixiyey.

0
395
Aabbaha Dhalay Gabadh Loo Khaarajiyay Sawirka Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Wareysi Xasaasi Bixiyey.Nuur Ibraahim Muumin oo ah Aabaha dhalay Gabar lagu magacaabi jiray Ridwaan Nuur Ibraahim oo lagu dilay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in Gabadhiisii uu dilay sarkaal lagu magacaabo Cabaas Ibraahim Gurey, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada maamulka jubbaland.

Waxa uu sheegay in ciidamo uu wato sarkaalkaas ay dadkii ku noolaa magaalada ay guryahooda kasoo saareen, kadibna ay u qeybiyeen boorar uu ku sawiranaa sawirka Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo dadkii ku amray inay dhigaan banaanbax ay ku taageerayaan Axmed Madoobe oo ka mid ah Madaxweynayaal Khamiistii na dhaaftay lagu doortay magaalada Kismaayo.

Dadkii ayuu sheegay inay arintaas u cuntami weysay ila markaana ay iska diideen amarkii sarkaalkaas, iyagoo jeex-jeexay boorarkii loo qeybiyey ee uu ku xardhanaay sawirka Axmed Madoobe.

Xog ay heshay Warbaahintuayaa sheegeysa in gabadha la dilay ay isla goobtii ka aas-aastay banaanbax kale oo looga soo horjeedo amarka sarkaalka, iyagoo banaanbaxooda ku muujiyay inaysan dooneyn in Jubbaland uu madaxweyne ka noqdo Axmed Madoobe, kaddibna sidaas ay ku toogteen gabadhaas Askartii uu watay sarkaalka ka socday Jubbaland.

Aabaha dhalay Ridwaan ayaa sheegay inay Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaalinta qaranka, ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah taliyahaas, isagoo sheegay inuu hadda Xamar ku suganyahay, isla markaana uusan tagi Karin degmadiisii Ceelwaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here