10 wasiir oo Puntland ah iyo Badhasaabkii Somaliland oo Badhan wada jooga maanta. 

0
505

Badhan (QoryaaleNews) Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaa maanta gaadhay wafti ka kooban 10 wasiir, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo Puntland ah.

Ujeedka socdaalkooda ayaa la xidhiidha dhisidda golaha deegaanka degmada Badhan, kormeer iyo la kulmidda ciidamada
dhawaan kasoo wareeegay Somaliland.

Dhinaca kale waxaa Badhan ku sugan Badhasaabka Somaliland ee Badhan Maxamuud Xaamud Cumar oo dorraad xaflad
loogu sameeyey halkaasi.

Puntland ayaa xoogga saaraysa gobolka Sanaag, waxaana hadda bilkasta taga wufuud kala duwan.

Qaar kamid ah Taliyaashii ciidamada, Guddoomiyihii gobolka iyo Salshiggii Badhan ee Somaliland ayaa sannadkan ku wareegay Puntland.
Somalilandna waxay arrintan ku tilmaantay culeys ka degay, sida uu sheegey Taliyaha ciidamada Nuux Taani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here