Xisbullah Oo Gantaallo Ku Weerartay Israa’iil 

0
395

Kooxda Shiicada ah ee ka dhisan dalka Lubnaan ee Xisbullah ayaa dhowr gantaal oo kuwa lidka taangiyada ah ku ridday waqooyiga Israel, iyagoo ujeeddadoodu tahay inay aargoosi ka sameeyaan weeraro lagu soo warramay inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ka fuliyeen magaalada Bayruut isbuucii lasoo dhaafay.

Sida ay sheegeen taliska Milatariga Israel, labo ama saddex gantaal oo kuwa lidka taangiyada ah oo laga soo tuuray Lubnaan ayaa lagu garaacay saldhig ay ciidanka leeyihiin iyo xarun ay yaalleen gawaari badan oo kuwa milatariga Israel ah.

Ma jirin wax khasaare ah oo ay gantaalladaas geysteen, sida ay Israel shaacisay, laakiin ilo wareedyo dhinaca Xisbullah ah ayaa sheegay inay weerarkaas waxyeello ugu geysteen Israel.

Milatariga Israel ayaa xaqiijiyay inay falkaas uga jawaabeen hubka artillery-ga ee ka dhaca taangiyada iyo kuwo ay ka rideen diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Ilaa 100 gantaal oo artillery ah ayey Israel sheegtay inay la beegsatay xarumo ay leeyihiin Xisbullah oo ku teedsan xadka ay Lubnaan la wadaagaan.

Milatariga Lubnaan ayaa dhawaan sheegay inay diyaaradaha drones-ka Israel gudaha u galeen hawadooda, ayna hub aan la garaneynin noociisa ku rideen keymaha u dhow xadka.Lahaanshaha sawirkaEPA

 

Xisbiullah, oo taageero ka heysata dowladda Iraan ayaa horay ugu hanjabtay inay qaadi doonto weerarro ka dhan ah Israel.

Labada dhinacba ma rabaan in ay xaaladda sii xumaato

Tallaabo Milatari oo ay Xisbillah u qaadaan dhinaca Israel ayaa la filayay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israel ay duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla magaalada Beyruut, ee ah caasimadda Lubnaan, inkastoo xukuumadda Telaviv aysan arrintaas xaqiijinin.

Ma jirin isku dhac weyn oo dhex maray Israel iyo Xisbullah tan iyo sanadkii 2006-dii, xiligaas oo ay dagaal qaraar wada galeen, inkastoo xiisadaha xuduudda ay mar walba kacsanaayeen.

Waxaa la rumeysan yahay in hadda labada dhinacba aysan dooneyn in xaaladdu ay faraha kasii baxdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here