Shirkad Diyaaradeed Oo Loo Ganaaxay Adeegsi La’aanta Luuqada Faransiiska

0
437

Shirkadda diyaaradaha ee Air Canada ayaa lagu amray iney bixiso lacag dhan $15,700 islamarkana warqad raaligalin ah ay qorto taasi oo ku aadan in ay jabiyeen xuquuda luqadaha kala duwan.

Lamaane ayaa dacwad ka gudbiyay shirkadda iyaga oo sheegay in qaar ka mid ah calaamadaha wax haga ee ku qoran diyaarada ay ku qornaayeen luuqada Ingriiska oo kali ah iyada oo aan wax mudnaan ah la siin luuqadda Faransiiska.

Garsoore ayaa xukumay in shirkadda diyaaradaha ay jabisay sharciga luuqadaha kala duwan ee dalkaasi looga hadlo.

Shirkadda diyaaradaha ee Air Canada ayaa maxkamada u sheegtay in ay ka shaqeynayso inay badasho calaamadaha wax haga ee diyaarada ku qoran.

Lamaanahan oo kala ah Michel iyo Lynda Thibodeau ayaa waxay maxkamadda u gudbiyeen 22 dacwo oo ka dhan shirkadda 2016.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay ku doodeen in ay ereyga “lift” oo Ingiriis ah uu ku qornaa kursigooda islamarkana erey u dhigma oo Faransiis ah aan lagu qorin halka ilinka laga baxo ee diyaarada oo uu ku qornaa oo kali ah erey Ingiriis ah.

Waxa ay sidoo kale lamaanahani sheegeen in qofka dadka ku wargaliya marka ay diyaarada kaceyso ama degayso uu luuqadda Ingriiska uu uga fiicnaa Faransiiska ku hadalkiisa.

“Shirkadda Air Canada ayaa jabisay xuquuda luuqada Faransiiska,” ayay ku doodeen lamaanahan .

Guddoon uu riday ayaaa garsooraha maxakamadda, Ottawaku sheegay in shirkadda ” aysan fulin waajibaadkii ka saarnaa luuqadaha kala duwan”.

Shirkadda Air Canada ayaa waxaa lagu fuliyay sharciga luuqadaha rasmiga ah oo waajib ka dhigaya in la simo luuqadaha Ingriiska iyo Faransiiska.

Wareysi uu siiyay telefishinka qaranka ee CBC, Mr Thibodeau waxa uu sheegay in uu ku qanacsan yahay guddoonka maxkamadda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here