Trump Ma Sawir Sir Ah Ayuu Milatariga Ka Baahiyay?

0
398

Madaxweyne Trump ayaa dajiyay dabci ku cusub madaxweynenimada.

Ma aha oo kali ah in uu Twitter-ka soo dhigay sawir ay tayadiisu aad u sarrayso oo saterlite-ka lagu qaaday oo sir ah badanaana milatariga uun laga helo, kaas oo muujinaya meel waxyaabaha hawada sare loo dirayo lagu tijaabiyo oo Iiraan leedahay oo ay ka muuqato burbur baaxad leh, ka dib markii qarax la maqlay.

Intaas ka badan ayuu sameeyay oo wuxuu u muuqday in uu ka caraysiinayay Iiraan, isaga oo ku adkaystay in Maraykanku uusan gacan ku lahayn “shilka masiibada ah” balse sidoo kale Iiraan ayuu u rajeeyay “nasiib wanaagsan” si ay u ogaato waxa dhacay.

Screenshot of President Donald Trump's tweet
Presentational white space

Arrintaasi ma jeesjees madaxweyne ayay ahayd mise xog la-aan ayay ahayd?

Ma waxa uu tilmaamayay in qolo kale oon Maraykanka ahayn ay ku lug lahayd?

Mise waxay iska ahayd dabeecaddii joogtada ahayd ee madaxweynuhu uu ku sheegi jiray waxa koobaad ee madaxiisa ku soo dhaca?

Way adag tahay in laga jawaabo. Soo farogalinta Trump ee arrintanna waxay dhalisay su’aalo ka badan jawaabaha laga helay.

Toddobaadyo ayay khuburadu saadaalinayeen in Iiraan ay isu diyaarisay in ay hawada sare u dirti dayax gacmeed.

Sawirro ganacsi oo satelite-ka lagu qaaday ayaa muujiyay in rakibidda la dhamaystiray.

Wararka ka imaanaya Iiraan waxay sheegeen in hawlgalkaasi uu ahaa mid satelite yar oo isgaarsiin hawada loogu dirayay, kaas oo la dhoho Nahid 1.

Labo isku day oo hore oo sannadkan billawgiisii ahaa ayaa ku soo idlaaday fashil.

Kanna wuxuu u muuqdaa in uu si masiibo ah ku soo dhammaaday. Balse kani wuxuu kaga duwan yahay in madaxweyne Trump laftirkiisu uu soo bandhigay baaxadda burburka.

Haddaba maxaa sababay in wixii ay Iiraan u diraysay hawada sare uu sidaas u burburo?

Si fudud haddii looga jawaabo ma ogin, balse waxaa jira labo jawaabood oo aan adkayn.

Tan koobaad, waxaa laga yaabaa in ay cilad farsamo dhacday; taas oo ka iman karta dhaka shidaalka ama cilad kale oo samaynta la xiriirta.

Arrimahaas oo kale ayaa dhacay; dib u milicso qaar ka mid ah masiibooyinkii qabsaday barnaamijka hawada sare ee Maraykanka. Dalalka tiknolojiyadda ugu caansan haysta xataa cilado way soo wajahaan.

Balse marka la fiiriyo waxyaabaha ay hawada u dirtay Iiraan in heerkeedu hooseeyo ayay muujinayaan.

Qoraal uu daabacay wargeyska New York Times bishii Feebaraayo kaas oo salka ku haya waraysiyo ay siiyeen saraakiil Maraykan ah oo aan magacooda la shaacin ayaa tilmaamay in labadii tijaabo ee Iiraan ka fashilmay horraantii sannadkan ay qayb ka ahayd guuldarrooyin is xigxigay.

Waxay tilmaameen in ay fashilmeen 67% ka mid ah waxyaabihii ay Iiraan rabtay in ay hawada sare u dirto 11 sano ee la soo dhaafay.

Waxay ku tilmaameen “in ay tiro aad u sarrraysa tahay” marka la barbar dhigo guuldarooyinka dunida oo dhan oo wajahay oo 5% ah.

Xiisadda u dhaxaysa Iiraan iyo Maraykanka ayaa cirka isku shareertay

Qoraalkaas wargeyska ayaa bidhaamiyay in maamulka Trump uu soo celinayo barnaamij uu ku xagaldaacinayo dedaallada ay waddo Iiraan ee gantaalladeeda.

Dadaalladii hore ee Maraykanka waxaa meesha ka saaray Obama.

Xagal daacintaas malala xiriirin karaa dhacdadii u dambaysay? Yaa og, balse Trump ayaa sii margiyay xaaladda ka dib markii uu Twitter-ka qoraalka soo dhigay.

Waxaa jirta taariikh dheer oo ku saabsan in xoogag dibadda ah ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan cilmibaarista milatari ee Iiraan.

Israa’iil iyo Maraykanka ayaa isku dayay in ay carqaladeeyaan bacriminta barnaamijka nukliyeerka Iiraan, iyaga oo isticmaalaya fayraska combiyuutarrada la galiyo.

Saynisyahanno iyo farsamo yaqaanno reer Iiraan ah ayaana la khaarajiyay.

Maraykanka iyo Israa’iilba waxay u arkaan in aan lakala saari karin barnaamijka hawada sare ee Iiraan iyo dadaalladeeda kale ee gantaalada.

Arrinta layaabka leh ee arrinytan ku xeeran ayaase ah in madaxweynuhu uu baahiyay arrin caadiyan ahaan jirtay sir culus, sawirro dhanka satellite-ka laga qaaday oo si wanaagsan loo arkana waxay u badan tahay in laga heli karo ilo milatari oo kali ah.

Dad badan oo arrimaha hawada sare iyo gantaallada ku hawlan ayay layaab ku noqotay arrintaasi.

Waa wax cajiib ah in madaxweynaha Maraykanka uu arrintaas sameeyo, tallaabadaas oo cadawga Maraykanka siin karta sawir cad oo ku saabsan awoodda wayn ee sirdoonka dhanka hawada sare ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here