Wiil 14 Jir Ah Oo Qirtay In Uu Maraykanka Ku Dilay 5 Xubnood Oo Qoyskiisa Ka Tirsan

0
350

 

KHARIIDAD

Wiil 14 jir ah oo ku sugan gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ayaa qirtay in uu dilay shan ruux oo ka tirsan xubnaha qoyskiisa, sida ay sheegeen booliiska Maraykanka.

Dadka uu dilay ayaa kala ah aabihii, xaaska aabihii iyo walaaladii, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Saddex ka mid ah isla goobtii ayay ku dhinteen, labada kalana isbitaalka ayay ku naf baxeen.

Booliiska ayaa sheegay in wiilkan aan magaciisa la shaacin uu la shaqaynayo askarta.

Wali lama ogaan waxa ku qaaday arrintan iyo sida uu ku helay qoriga uu ku laayay qoyskiisa.

Toogashadan ayaa ka dhacday magaalada Elkmont ammin dambe oo Isniintii ah.

Baareyaasha ayaa sheegay in wiilku uu markii hore wacay booliiska si uu ugu sheego in xabad ay ka dhacayso guriga qoyskiisa.

Markii dambe ayuuse qirtay weerarka, sida ay booliisku sheegeen.

Dadka dhintay ayaa lagu sheegay John Sisk oo 38 jir ahaa; Mary Sisk oo 36 jir ahayd iyo saddex carruur ah oo ay wiilka wax dilay walaalo yihiin, kuwaas oo kala jiray lix jir, shan jir iyo lix bilood.

Mary Sisk oo asal ahaan ka soo jeeda New Orleans ayaa macallimad ka ahayd iskuulka Huntsville City iyada oo wax bari jirtay ardayda baahiyaha gaarka ah qaba, sida lagu daabacay barta uu iskuulkaasi ku leeyahay internetka.

Masuuliyiinta iskuulkaas ayaa sheegay in ay ardayda iskuulka siinayaan talooyin dhanka maskaxda ah.

Toddobo ruux ayaa la dilay maalmihii fasaxa ee toddobaadkii hore ka dib markii si aan kala aabo yeel lahayn loogu toogtay gobolka Texas, qofkii arrintas looga shakiyayna waxaa lagu sheegay nin 36 jir ah oo dhawaan laga eryay shaqadiisa.

Bishii hore weerarro kala duwan oo ka dhacay El Paso iyo Dayton ayay ku dhinteen 31 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here