Maraykanka Oo Malaayiin Doolar U Ballan Qaaday Kabtan Wada Markab Ay Iiraan Leedahay

0
347

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in ay malaayiin doolar u soo bandhigtay kabtankii waday markabka Iiraan ee saliidda waday si uu ugu wareejiyo, markabkaas ayaa horseeday muran dublamaasiyadeed.

Brian Hook oo madax ka ah Iran Action Group ayaa email u qoray kabtankii waday markabka Adrian Darya 1 si uu u geeyo goob uu Maraykanku ka qabsan karo.

Markabkaas ayaa looga shakiyay in uu shidaal u waday Suuriya. Masuuliyiinta Gibraltar ee dawladda UK ayaana si ku meel gaar ah u qabtay bishii Luulyo.

Bishii hore ayaa la sii daayay ka dib markii ay Iiraan caddaysay meesha uu u socdo.

Wasaaradda caddaaladda oo isku dayday in ay hor istaagto sii dayntaas, ayaa markii dambe soo saartay amar lagu xirayo markabkaas shidaalka qaada.

Warka sheegaya in la rabay in lacag la adeegsan rabay ayaa markii u horraysay ka soo muuqday wargeyska Financial Times Arbacadii, waxaana arrintaas xaqiijiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Kabtanno badan iyo shirkaddo badan oo arrimaha marakiibta la shaqeeya ayaan la xiriirnay” ayay tiri afhayeen la hadashay wakaaladda wararka ee AFP.

Maraykanka ayaa diiwaanka madaw galiyay markabkaas Jimcihii, War ka soo baxay waaxda maaliyadda ayaana lagu sheegay in markabkaas loo adeegsaday in lagu qaado 2.1 milyan oo foosto oo shidaal ka cayriin ee Iiraan ah, arrintaasna ay ka faa’iidayaan Ilaalada kacaanka Iiraan, ciidammadaas ayuu Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso.

Emailka maxaa ku qornaa?

Sida uu daabacay Financial Times, Hook ayaa email u diray Akhilesh Kumar oo ah kabtanka markaba Adrian Darya 1, kaas oo u dhashay dalka Hindiya.

“War wanaagsan ayaan kuu soo qorayaa,” ayuu yiri emailkuna sidan ayuu u qornaa. Maamulka Trump wuxuu doonayaa in uu malaayiin doolar siiyo kabtanka si uu markabka u geeyo meel uu Maraykanku ka qabsan karo.

Taleefanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu qoray emailka si kabtanku uusan ugu qaadan in fariintu ay been abuur tahay.

Hook ayaa wargeyska u sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda “ay si dhaw ula shaqaynayso dadka ku lugta leh arrimaha badaha si loo carqaladeeyo loona hor istaago ganacsiga shidaalka sharcidarrada ah.

Kumar ayaa iska indha tiray email-ladii loo diray. Maraykanka ayaa markaas cunaqabatayn shaqsi ah saaray, ka dib markii ay diiwaanka madaw galiyeen markabka Adrian Darya 1.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Iiraan Javad Zarif oo Twitterka adeegsanaya ayaa Maraykanka ku eedeeyay “laaluush aan geed loogu gabado lahayn”.

Presentational white space

Maamulka Trump ayaa Arbacadii ku dhawaaqay cunaqabataynno hor leh oo uu saaray shabakadda marakiibta Iiraan ee suuq gaysa shidaalka, qof kaste oo carqaladayntaas gacan ka gaysan karana waxay u ballan qaadday 15 milyan oo doolar.

Muxuu yahay markabkan muranka dhaliyay?

Markabka Adrian Darya 1 oo horay loo dhihi jiray Grace 1 waxaa xiray maamulka Gibraltar ee Britain afartii bisha Luulyo, ka dib markii looga shakiyay in uu shidaal u wado Suuriya, arrintaas oo meel ka dhac ku ah xayiraadda cubaqabataynta Midawga Yurub.

Bishii Agoosto 15-keedii ayaa la sii daayay ka dib markii ay Iiraan xaqiijisay in markabkaasi uusan u socon Suuriya, inkasta oo Maraykanku uu sameeyay dadaal uu la soo daahay oo uu rabay in uu ku hakiyo sii dayntaas.

Website la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta ayaa tilmaamay in markabkaasi uu marayo bariga badda Mediterranean, inkastoo la sheegay in la damiyay qalabkii lagula socon karay.

Qabashadii hore ayaa xiisad dublamaasiyadeed ka dhalisay UK iyo Iiraan dhexdooda, arrintaas oo horseeday in Iiraan ay qabato Markab shidaal qaada oo uu ka bibanayo calanka Britain balse Sweden ay leedahay kaas oo la dhoho Stena Impero isla markaasna marayay gacanka Khaliijka.

Arbacadii ayay Iiraan sheegtay in ay sii daynayso toddobo ka mid ah 23 shaqaalaha ah ee saarna markabka ay hayso iyada oo eegaysa xaalado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here