Beesha Caalamka Oo Wada Dedaalo Dublamaasiyadeed Oo Layskugu Soo Dhawaynayo Madaxweyneyaasha Muuse Biixi Iyo Farmaajo

0
384

dublamaasiyiin ka tirsan beesha caalamka ayaa dedaal ugu jira sidii ay u suura gelin
lahaayeen in mar kale dib loo bilaabo wada hadaladii u dhaxeeyey somaliland iyo soomaaliya.

 

Wararka laga helayo dublamaasiyiintan ayaa sheegaya inay cadaadis xoogan ku saarayaan madaxweyneyaasha
somaliland iyo soomaaliya kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey iskaga dab qaadayey si ay  layskugu soo  dhaweeyo.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay jiraan wadamo badan oo danaynaya inay markii ugu horaysay marti  geliyaan wada haddalada somaliland iyo soomaaliya kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Norwey iyo  Switzerland.

 

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa war murtiyeed uu ka soo saaray kulan xukuumadu  yeelatay waxa uu ku sheegay in somaliland ay diyaar u tahay inay wada hadal la galaan soomaaliya, halka madaxweyne Farmaajo uu isna dhawaan magacaabay guddi uu sheegay inay wakiil kaga noqonayaan wada hadal toos ah oo ay la galaan soomaaliya.

 

Dhinaca kale guddida wada hadalka u qaabilsan soomaaliya ee uu magacaabay madaxweyne Farmaajo ayaa
waxa ku jira xubno ka soo jeeda deegaano ka mid ah somaliland balse madaxweynaha somaliland ayaa ganafka
ku dhuftay in somaliland wada hadal la gasho xubno ka socda soomaaliya oo deegaan ahaan ka soo jeeda  somaliland.

 

Sidoo kale dedaalada dublamaasiyadeed ee socda ayaa xooga saaraya in markii ugu horaysay laysa soo hor
fadhiisiyo madaxweyneyaasha somaliland iyo somaliya kuwaas oo mudooyinkii ugu dambeeyey iska weeraray

warbaahinta si ay isfaham guud uga gaadhaan wada hadalka labada dal,inkasta oo madaxweynaha somaliland aanu wali magacaabin guddi u qaabilsan wada hadalka soomaaliya.
Xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa somaliland iyo soomaaliya ayaa gaadhay halkii ugu saraysay horaantii sanadkii 2018 taas oo keentay inay burburaan wada hadal u socday labada dal oo ay bilaabeen
madaxweyneyaashii hore ee Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here