Tani Waa Sababta Aan Robert Mugabe Uga Cabsan Jiray Una Xushmeyn Jiray

0
394

Ilaa markii la afgambiyay labo sano ka hor, Robert Mugabe madaxweynaha kaliya ee ay abid yeesheen dadka xorta ah ee dalka Zimbabwe, kuwaasoo ah dadkii dhashay tan iyo markii ay Zimbabwe xornimada ka qaadatay gumeystaha sanadkii 1980-kii.

Mugabe wuxuu madaxweyne u ahaa ayeeydeey, wuxuu madaxweyne u ahaa hooyadeey, anigana waxaan u maleynayay inuu gabadheyda sidoo kale madaxweyne ugu noqon doono. Erayga madaxweyne annaga micnihiisa wuxuu noo ahaa Robert Mugabe.

Markii aan Iskuulka joognay waxaan ku qaddarin jirnay aqoontiisa dhinaca luqadaha. Khudbadihiisu waxay ahaayeen kuwo xigmadeysan oo cajiib ah. Iskuulka waxaan ku qaadi jirnay heeso isaga lagu ammaanayo.

Waxaan ku xasuusan doonaa inuu ka run sheegi jiray waxyaabaha uu aaminsan yahay. Wuxuu ku noolaan jiray nolol heer sare ah.

Wuxuu sidoo mas’uul ka ahaa in gacan bir ah lagu qabto dadka siyaasadda uga soo horjeeda iyo in uu dhaqaalaha waddanka si tartiib tartiib ah u burburo.

Dadka qaar wuxuu u ahaa halyeey, kuwo kalena qof xun ayey u arkayeen.

Sawir laga qaaday Robert Mugabe 2008-dii

Mugabe wuxuu ahaa nin caqli badan, mar walbana labiskiisa wuu fiicnaa, oo wuxuu xiran jiray Suud iyo garabaati. Gurigana wuxuu ku ahaa aabe wanaagsan, wuxuuna si gaar ah u jeclaa gabadhiisa curadda ah ee lagu magacaabo Bona.

Warka ku saabsan inuu ku dhintay Isbitaal ku yaalla Singapore wuxuu aniga ii ahaa mid aad u adag, anigoo aan eegeynin burburka waaxda caafimaadka ee dalka. Dabcan taasina waxay caddeyn u tahay sida uu naftiisa kaliya u jeclaa.

Hamigiisu wuxuu ahaa in da’diisa ay gaarto 100 sano, xilka madaxweynahana uu hayo ilaa inta uu ka dhimanayo. Laakiin sida muuqata labadaas rajoba way u suurtagali waayeen.

Guul darrada Mugabe waxay billaabatay markii laga shakiyay in xaaskiisa ay xukunka ka dhaxli rabto.

.

Muddo 37 sano ah waxaan ku hoos nooleyn xukunkiisii adkaa. Waan ka cabsan jiray aniga. Wuxuu ahaa nin ad-adag, mana aysan isbaddalin dabeecaddiisa, ilaa xitaa markii dambe ee aan la kulmay anigoo Wariye ah. Markii ay isku dhacaan indhahaaga iyo indhihiisa, waxaa khasab ahayd inaad libiqsato.

Laakiin markii aan ahaa cunug yar oo Afrkaan ah, Mugabe dartiis ayey ahayd sababtii aan ku helnay waxbarasho tayo fiican leh. Ugu dambeyntii wuxuu noo suurtagaliyay inaan helno xuquuqda ay heli jireen carruurta caddaanka ah.

Waligiis wuu fahansanaa muhiimadda iyo awoodda ay leedahay waxbarashada. Xeerarkiisii dhinaca waxbarashada ayaa Zimbabwe ka dhigay ergada Afrika.

.

Laakiin dhinaca kale waxaa dhulka galay dhaqaalaha waddanka, waxaana taas sabab u ah habacsanaantii uu mas’uulka ka ahaa ee dhinaca horumarinta ganacsiga iyo ilaha dhaqaalaha.

Lacagta Zimbabwe ayaa ugu dambeyn hoos u dhacday, waddankuna wuxuu gaaray heer saboolnimo ah.

Aabahay hadda ma heli karo lacagta howlgabnimada, taasina waxay ka dhigtay qof shaqooyinkii uu kusoo daalay oo dhan aan ka helin faa’iidadii uu ka rajeynayay.

.

Dagaalkii xoreynta Zimbabwe wuxuu dhammaaday sanadkii 1980-kii, markii uu waddanku madaxbannaanidiisa helay, islamarkiina Mugabe wuxuu noqday qof soo ifbaxay oo hormuud ah.

Wuxuu ahaa nin jecel afrikaannimada isla markaana aaminsan in siyaasadda lagu baddalo fikirka dadka. Waxay dabeecadaha qaar ka mideysnaayeen madaxweynihii hore ee Veenezuela Hugo Chavez iyo madaxweynihii hore ee Iiraan Maxamuud Axmed Najaad.

Shaki kuma jiro in uu ahaa nin u dagaallami jiray xorriyadda waddanka laakiin sidoo kale shaki kuma jiro inuu ahaa nin dadka cabsi galiya. Dafiicnimadiisa ugu weyn waxay ahayd jacaylka uu u qabay xukunka.

Dhaqan ahaan dalka Zimbabwe, looma dabaaldago geerida qof ku timid, iskaba daa hadduu madaxweyne yahayna. Hase yeeshee, anigu waan ka naxay geeridiisa, waxaana sidoo kale ka naxsanahay xaaladda uu uga tagay waddankeenna aan jecelnahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here