Puntland Oo Xidhay Badhasaab Ku-xigeenkii Somaliland U Joogay Gobolka Badhan

0
347

Badhan(Qoryaalenews)Ciidammada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland u jooga Degmada Badhan ayaa xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland halkaa u jooga.

 

Weriyaha Telefiishanka Horn Cable Tv u jooga Magaalada Badhan, ayaa soo sheegaya in Ciidammada Puntland ee Badhan ku sugan ay xidheen Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed.

 

Illaa hadda lama oga sababta Puntland u xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland u jooga Badhan, maaddaama oo awalba Masuuliyiin kala matalaya labada dhinac ay Magaalada Badhan wada joogi jireen.

Dawladda Somaliland weli kama hadal Xadhigga Puntland kula kacday Badhasaab ku-xigeenkii u joogay Badhan, balse Xidhiidh uu Telefiishanka HCTV la sameeyay Badhasaabka Somaliland ee Badhana ma suurto-gelin inuu nala hadlo.

 

 

Sidoo kale, Puntland ayaan ka hadal Xadhigga Badhasaab ku-xigeenka Somaliland, laakiin Arrintan ayaa sawir ka bixinaysa in dagaalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland ku dhex maraya Badhan uu isa soo tarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here