”Dayac Ayaan Kala Kulmay Giriiga, Soomaaliyana Kuma Noqon Rabo”

0
368

Dalka Gariiga waa marinka ugu weyn oo dad badan oo qaxooti ah ay ku hamiyaan in ay ka galaan wadamada Yurub,waxaana dadkaan badankoodu ay ka tagaan dalalka qaradda Afrika oo ay ka jiraan dhibaatooyin is biirsaday sida colaado,shaqo la’aan iyo culeysyo kale oo la xiriira noolasha .

Jasiirada Kos oo ku taala dalka Gariiga kana mid ah jasiiradaha ugu waaweyn dalkaasi ayaa hadda waxaa dhibaato ku haystaa qaxooti Soomaali ah oo doonayay in ay gaaraan wadamada Yurub, hase yeeshee la kulmay waxaan aheyn wixii ay filayeen.

Xero Qaxooti oo ku taala Jasiiradda Kos ayaa sida ay sheegeen dad la hadlay BBC-da waxaa halkaasi ku jira dad lagu qiyaasay ku dhawaad boqol qof oo Soomaali ah.

Qaxootigan sida ay sheegeen qaaarkood waxaa haysta Hooy la’aan iyo cunto la’aan waxaana ay jiiftaan meelo bannaan ah iyaga oo deris la noqday qabow daran oo halkaa ka jira oo ay waliba roobab u sii dheeryihiin iyo dhaxanta oo aysan haysan meel ay ka galaan.

” Dhibka na haysta waxaa waaye Roob ayaa nagu da’ay qaboobaa jira dhaxan ayaa na haysa guryo ma haysano musqulana ma haysano,” ayay tiri Xaliimo Xuseen Cilmi oo ka soo tagtay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya kana mid ah dadka ku jira xeradaas.

Xaliimo oo ay la socdaan labo qof oo ehelkeeda ka mid ah ayaa sheegtay in Muqdisho ay uga soo carartay dhibaato isla markaana wiil ka mid ah ehelkeeda oo hadda xerada kula jira ay xabadi madax uga jirto.

Mar aan waydiinay Xaliimo maadama ay hadda dhib badan wajahayaan in ay dalka Soomaaliya u laabaneyso iyo in kale ayaa waxay ku jawaabtay ” Wallaahi dhibkaan ka soo tagay ayaan qabaa oo soo ma laaban karo oo ilaah ogg dhibka aan ka soo tagay socodkiina waa igu yaryahay oo ma socon karaayo oo lacag ma haysto oo caafimaad malahan oo nin xanuusan ayaan wataa marka xaaladda ilaahbaa ogg “

Xaliimo oo xeradaasi joogta muddo Todobo bilood ah ayaa sheegtay in la siiyo waxyaabo aysan cuni karin hase yeeshee mararka qabowgu jiro ay dantu ku qasabto in ay ruugaan roodhi dhowr maalmood ka hor la sameeyay.

Sidoo kale Xuseen Shiikh Cali oo isna ka mid ah dadka Xeradaasi ku jira isla markaana si guud sawir uga bixinayay ayaa sheegay in Xerada ay ku jiraan ay ku taalo meel 13 Kiilomitir u jirta magaalada ayna tahay buuraley qabow badan waxaana uu intaasi ku daray in silig lagu wareejiyay isaga oo ku tilmaamay meel xabsi oo kale ah .

” Dadka halkaan aan ku wada noolnahay xagga sharciyada marka la fiiriyana ma heli karaan wax sharci ah, meesha maalinta aad soo gasho warqad Booliis ayaa laguu dhibayaa marka waxaa lagu siinaya Busto iyo go’o cad waxaa lagu leeyhay halkaan meel walba oo ka mid ah waad jiifan kartaa waa Hoteelkii ku soo dhowow nolasha Yurub”

Inkastoo Qaxootiga Soomaalida ah ee halkaasi ku sugan ay ka cabanayaan dhibaato badan haddana waxaa ay u muuqdaan in wali ay ku adkeeysanayaan go’aankoodii ahaa in ay mar uun ay gaaraan halka ay ku haminayaan isla markaana ay Gariiga dhaafaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here