Lammaane ka Badbaaday Qaraxii Xafladda Arooskooda Ee Ay 80-ka Qof Ku Dhinteen

0
374

Lamaane u dhashay dalka Afghanistan oo ka badbaaday qarax ay xafladda arooskooda ka fulisay kooxda dowladda Islaamiga ayaa sheegay inay nacayb kala kulmeen qaraabadooda iyo saaxiibbadoodba. Ninka arooska ahaa ayaa BBC-da u sheegay inay hadda doonayaan in ay waddanka dhan ka cararaan si ay uga fogaadaan cadaawadda loo hayo.

Markii uu qiiqa ka dhashay qaraxa kala yaraaday ayaa la ogaaday inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay musiibada.

80 ruux oo ka mid ahaa dadkii xafladda kasoo qeyb galay ayaa ku dhintay hoolka uu arooska ka socday ee ku yaalla magaalada Kabul, tiro kale oo baddana way dhaawacmeen.

Dadkii nasiibka lahaa ee badbaaday waxaa ka mid ahaa arooska iyo aroosadda.

Laakiin murugada soo wajahday dadkii ay eheladooda halkaas ku dhinteen waa mid maalinba maalinta ka dambeysa xaaladda kusii adkeyneysa lamaanaha.

Dabaaldag

Maalintii Sabtida ahayd ee ay taariikhdu ku beegneyd 17-kii bisha Agoosto, 2019-ka, Mirwais Elmi waxaa arooska uu galayo awgiis loogu foorjeynayay qol yar oo ay kula jireen koox rag ah oo isugu jira qaraabadiisa iyo saaxiibbadiis.

Kabahii ay lahaayeen dadkii ku dhintay qaraxa arooska lala beegsaday

Elmi, oo 26 jir ah wuxuu lahaa riyooyin badan iyo waxyaabo wanaagsan oo uu noloshiisa ka rajeynayay.

Wuxuu maalintii arooskiisa ku duceysanayay inuu waa cusub u baryo, maadaama uu ku noolyahay waddan xaalad dagaal ku jiray in ka badan 40 sano.

Boqollaal qof oo marti ah oo ku sugnaa hoolka ay ka socotay xafladda ayaa si dulqaad leh u sugayay inuu dhaco alalaaska meherka, si ay u guda galaan cashada loogu tala galay munaasabadda arooska, iyagoo ka dibna rajeynayay inay dabaaldagga sii wadaan.

Laakiin waxaa qorneyd inaysan waligood dhadhaminin cuntada u diyaar garoobayeen.

Qaraxa

Gabadha la filayay inay Elmi xaaskiisa noqoto oo 18 jir ah laguna magacaabo Rehana waxay iyaduna qol kale kula jirtay arooska walaashiis iyo hooyadiis, waxayna isku dayeysay inay la wadaagto raashin khaas ah oo iyaga loogu tala galay.

Muuqaalka hoolka ay xafladda arooska ka socotay, qaraxa ka dib

Markii uu sheekha u meeriyay ninka arooska ah erayada diiniga ah ee meherka, oo Elmi uu damacsanaa inuu ka daba dhaho ayaa mar qura la maqlay dhawaaqa qaraxa oo gilgilay guud ahaan dhismaha.

Halkaas ayey kusoo afjarantay howshii arooska, waxayna xaaladdii farxadda ahayd mar qura isu baddashay musiibo baahsan.

Nin bambo isku soo xiray ayaa isku qarxiyay bartamaha hoolkii ay dadka fadhiyeen, gaar ahaan qeybtii ragga.

Eheladii iyo Saaxiibbadii uu Elmi saacado yar ka hor kusoo dhaweeyay wajiga farxadda leh iyo dhoollacaddeynta waxay isu baddaleen lafo gubtay iyo hilbo isku dhex yaacsan.

Tirinta Meydadka

Awoodda qaraxa iyo dhawaaqiisa ayaa sabab u noqday in Elmi uu miyir beelo.

Mirwais Elmi oo oynaya isagoo wajigiisa qarinaya

Markii uu soo naaxay, wuxuu ogaaday inuu gurigiisa joogo. Laakiin daqiiqado yar ka dib wuxuu ka war helay in qaraabadiisa iyo saaxiibbadiis ay ku mashquulsanaayeen tirinta meydadka.

“Dadku way ii imaanayeen waxayna ii sheegayeen geerida ina adeerkey iyo saaxiibkey. Saaxiibbada qaarkood waxay ka sheekeynayeen saaxiibbadooda kale ee ku dhintay qaraxa. Walaakey waxaa halkaas uga dhintay 7 ka mid ah saaxiibbadiis”, sidaas waxaa yiri Mirwais Elmi, mar uu dib u xasuusanayay dhacdadii muruga badneyd.

Qaraabada dhimatay

Elmi wuxuu BBC-da uga warramay sida ay noloshiisa u jahwareertay markii uu qaraxaas dhacay ka dib.

 

“Aniga waxaan waayay ina adeerkey, xaaskeygana waxay weysay walaalkeed ka yar oo madaxiisa uu qaraxa ku burburay. Waxaan iska aasnay jirkiisa oo aan madax lahayn”.

Hal maalin ka dib markii uu qaraxa dhacay, sodoggiis ayaa warbaahinta Afghanistan u sheegay inay weerarkaas uga dhinteen 14 ruux oo ka mid ah qoyskiisa.

“Waxaan lahaa riyooyin aad u badan, wanaag farabadan ayaana rajeynayay. laakiin waxaasoo dhan ma hirgalin. Hadda waxaan ku jiraa xaalad xanuun iyo murugo ah”, ayuu yiri Elmi.

Weerar ismiidaamin ah

Kooxda Taliban ayaa sheegtay inaysan ku lug lahayn weerarkaas ismiidaaminta ah.

Askari ka tirsan ciidanka amaanka ee dowladda Afghanistan

Laakiin kooxda isku magacowday Dowladda Islaamiga ah ee IS ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Hadda, oo ku dhawaad hal bil ay kasoo wareegtay dhacdadaas, dhaawacii ka dhashay wali wuu cusub yahay.

Bartilmaameedka

Elmi wuxuu kasoo jeedaa qowmiyadda Shiicada tirada yar ku ah waddankiisa..

.

Kooxaha mintidiinta ah ee kasoo jeeda muslimiinta Sunniga ah, oo ay ku jiraan Taliban iyo IS ayaa horay weerarro ugu bartilmaameedsaday Shiicada looga tirada badan yahay waddamada Afghanistan iyo Pakistan.

Balse mas’uuliyiinta laamaha amaanka ee Afghanistan wali Elmi faahfaahin kama aysan siinin baaritaannada ay ku wadeen dhacdadaas khasaaraha lixaadka leh geysatay.

“Waxba kama ogi sababta ay noola eegteen weerarka. Orooskeenna martidiisa kuma aysan koobneyn hal bulsho oo gaar ah, mana jirin hal sarkaal ama hal ganacsade oo ka qeyb galayay xafladda”.

Dad kasoo kala jeeda qeybo kala duwan oo waddanka Afhganistan ka tirsan ayaa ku dhintay qaraxaas.

Inta badan dadkii ay eheladooda ku geeriyoodeen weerarka waxay aaminsan yihiin inuu musiibad sabab u yahay Elmi , maadaama isaga dartiis halkaas loo wada joogay.

“Waan u sheegay in waxan ay qornaayeen oo aysan ahayn wax aan gacanteenna ku maamuli karnay. Haddii aan ogaan lahaa inuu qaraxaas dhacayo, arooska dhan ayaan baajin lahaa”, ayuu yiri Elmi.

Qoomameyn

“Ma jirto wax farxad ah oo usoo hartay nolosheenna.”

Wuxuu sheegay inuusan wax mustaqbal ah u qorsheysneyn hadda.

Mirwais Elmi oo gurigiisa jooga

Wuxuu hadda ka qoomameynayaa inuusan ku dhimannin halkaas.

“Xaaskeyga iyo anigaba waxaan mar walba ku fikirnaa inay noo habbooneyd inaan ku geeriyoonno isla qaraxaas”, sidaas ayuu ku cattaabay Elmi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here