Tirada Dhimmashada Ee Dhabanahaysta Ku noqotay adduunka

0
405

Celcelis ahaan 74 qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur ayaa lagu dilayay maalin kasta dalka Afghanistan bishii August, sida ay soo ogaatay BBC-da.

Baaristan ayaa lagu oggaaday rabshado aan joogsi lahayn oo ku dhawaad qof walba oo ku nool dalkaasi saameyn ku yeeshay. Waxay arrimahani dhacayaan iyadoo Mareykanka uu doonayo inuu dalkaasi muddada 18-ka sano ah ay dagaallada ka socdeen uu isaga baxa.

BBC-du waxay xaqiijisay 611 weerar oo ay ku dhinteen 2,307 qof.

Taalibaan iyo dowladda Afghanistan labaduba su’aal ayay galiyeen sax ahaanshaha tirada dhimmashada ee ay BBC-da soo uruurisay.

Inta badan dadka la dilay waxay ahaayeen dagaalamayaal dhinacyada collaada ka tirsanaa, balse shan meelood meel ka mid ah tiradaasi waxay ahaayeen dad rayid ah.

1,948 oo qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weeraradaasi bishii August oo kali ah.

Khasaaraha intaa la eg ee hal bil gudaheed waxa ay astaan u tahay xaaladda guuracan ee ka jirta Afghanistan. Waxay sidoo kale dharbaaxo ku tahay mid ka mid ah hadafyada ugu muhimsan ee siyaasadda arrimaha dibedda ee madaxweyne Donald Trump oo ah inuu ciidammada Mareykanka ka saara dalkaasi Afghanistan.

Isbuuc ka hor uun ayay ahayd markii madaxweyne Trump uu baajiyay kulan qarsoodi ah oo uu la yeelan lahaa wakiilo ka socdo Taalibaan. Balse labada dhinacba waxay shegeeen inay diyaar u yihiin in wadaxaajoodyada ay sii socdaan.

Si kastaba ha ahaatee, markii horeba xabbadjoojin kuma jirin waxyaabaha laga wadahadlayay iyadoo boqolaal rayidka reer Afghanistan ah ay isbuuc kasta dhimanayaan.

Image of an Afghan soldier in a tank 

Dilalkii dhacay Bishii Agoosto

Ka dib rabshado xooggan oo dhacay isbuucii ugu horreeyay ee bisha August, Taalibana iyo xoogagga dowladda waxay billaabeen xabbad joojin aan rasmi ahayn intii lagu guda jiray fasixii ciidda Al Adhxa.

Balse intii lagu guda jiray fasaxaasi oo socday muddo 3 malamood ah, BBC-da waxay xaqiijisay dhimashada 90 qof.

Tiradii ugu badneyd ee dhimmashada waxay dhacday 27 August, markaas oo 162 qof ay dhinteen, 47 kalana ay dhaawacmeen. Waxay u badnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Taalibana oo ku dhintay duqemo.

Balse maalinkii ugu dhimmashada badneyd rayidka waxay ahayd 18-kii August markaas oo 112 qof ay noloshooda ku wayeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Image of a wedding in KabulImage caption92 pqof ayaa dhimatay amrkii Daacish ay qarxiyeen xaflad aroos oo ka dhaceysya Kabul.

Dadka ugu badan ee dhintay

Taalibaan hadda ayay ugu xoog badan yihiin tan iyo sanaddii 2001, balse haddana kalabar dhimasahada bisha August ee ay BBC-da xaqiijisay waxa ay ahaayeen dagaalamayaal ka tirsan Taalibaan, taasoo yaabkeeda leh.

Arrimo is biirsaday ayaa u sabab ah sida in Taalibaan ay xoojiyeen weerarada intii lagu guda jiray wadahallada nabadda, ciidammada isbaheysiga uu Mareykanka hoggaaminaya ayaa iyagana dhinacooda xoojiyay duqeymo lagu laayay Taalibaan badan iyo sidoo kale dad rayid ah.

Tirada Taalibaan uga dhimatay dagaallada sanadihii dhawaa lama ogo, balse waxaa lagu qiyaasaa inay haystaan 60,000 oo dagaalamayaal hubeysan.

Taalibaan ayaa si xooggan u beenisay inay kun qof ka badan dagaallo ku weysay bishii Agoosto, waxyana shegetay inaysan jirin caddeymo arrintaa xaqiijin kara.

Waxay sheegtay in qiyaasaha BBC-da ay ku saleysan yihiin “dacayaada ay baahiyeen wasaaradaha gudaha iyo difaaca maamulka Kabul”.

Wasaraadda difaaca Afghanistan ayaa iyadana sheegtay in qiyaasahan aysan dhameystirneyn, baaritaanno dheeraad ahna loo baahan yahay.

Image of a girl surrounded by women 

Collaada waa sidee?

Weerrarada ballaaran sida dagallada ka dhacay magaalada waqooyiga ku taalla ee Kunduz ama qaraxa arooska kabul ayaa inta badan warbaahinta caalamku tabisaa.

Balse kuwa sababa dhimashada ugu badan waa dagallada joogtada ah e eu dhexeeya ciidammada dowlada Afghanistan iyo Taalibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here