“Dadka Adag Ee Turkiga” Oo Dhibaato Shan Sano Ah La Kulmay

0
361

Turkiga ayaa dhidibada u sii aasay taageerada madaxwayne Erdogan

“Istanbul waa magaalo ay quruxdeeda ku soo jiidanayso,” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah saaxibadey markii aan ka soo tagayay Istanbul.

Waa warbixin uu ka qoray wariyaha BBC ee Turkiga Mark Lowen oo muddo 5 sano ah ka shaqaynayay halkaasi

Ka dib muddo shan sano ah waxaa la gaaray xilligii aan ka so guuri lahaa.

Waxaan ka soo warramay mid ka mid ah waqtiyadii ugu adkaa ee soo mara taariikhda Turkiga casriga ah.

Weerarro argagixiso, dhibaatada muhaajriinta, afgembigii dhicisoobay ee dhiigga uu ku daatay, howlgalladii ka dambeeyay, dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Turkiga iyo Kurdiyiinta iyo bilowga dagaalka Suuriya.

Buugaagtii la daabacay horraantii 2000 waxay dhammaan muujiyeen rajo wanaagsan oo ku aadan Turkiga iyo hogaamiyahooda Recep Tayyip Erdogan.

Wuxuu u muuqdaa nin islaamka iyo dimuquraadiyadda isku dhafay ka dib weerarkii 9/11, markaas oo reer galbeedku ay saaxibbo uga baahnaayeen bariga dhexe.

Wuxuu Erdogan joojiyay afgembigii militariga, wuxuuna badalay dhaqalaha, waxa uu sare u qaaday diinta oo muddo dheer dalkaas loo arkayay inay luuqa galiyeen cilmaaniyiinta aqlabiyadda ah.

Maxaa isbadalay?

Way adagtahay in farta lagu fiiqo waxa badalay sawirka Mr Erdogan iyo Turkiga.

Waxaa la xusi karaa dibadbaxii ballaarnaa ee looga soo horjeeday dowladda ee dalkaasi ka dhacay 2013 taasi oo looga soo horjeeday qorshihiisii ahaa in uu dhiso Gezi Park, oo ku taalla bartamaha Istanbul.

Waxaa sidoo kale isbadalka laga xusi karaa kala go’ii madaxwayne Erdogan iyo saaxibkiisii hore Guleni oo dhaqdhaqaaqiisu ay galaagal ku yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Turkiga.

Guleni waa ninkii uu Mr Erdogan ku eedeeyay in uu ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee dhacay bishii July 2016.

.

Mucaaradka Kurdiyiinta

Sannadkii 2015-kii waxaa dib usoo cusboonaaday dagaalka Kurdiyiinta PKK iyo dowladda Turkiga.

Dagaalka Kurdiyinta oo socday tobonnaan sano, tan iyo markii uu bilowday waxaa ku dhintay 40,000 oo qof.

Kurdiyiinta oo ah kuwa laga tiro badan yahay waxay dowladda Turkiga u aqoonsatay koox “argagixiso”.

Magaalada Diyarbakir, oo ah midda ugu wayn ee gobolka Kurdiyiinta, waxaan ku arkay taangiyo iyo booliis si aad ah u hubaysan, waxaadna maqlaysaa dhawaqa rasaasta iyo duqeymo.

Waxaan xusuustaa sidii ay ii eegtay haweenayda lagu magacaabo Emine Cagirga, xilli ay iiga sheekeynaysay gabadheeda oo 10 jir ah Cemile, oo lagu toogtay meel dibadda ka ah gurigeeda xilli ay booliiska sameynayeen howlgalo.

Emine ayaa i tustay talaagadii ay ku haysan maydka gabadheeda muddo 2 maalmood ah si uusan meydkeeda isu badalin.

Waxaan marnaba hilmaamayn dadkii ku dul ooynayay qabriyada booliiska Turkiga ee ku dhintay bambaanooyiinka waddooyiinka loogu aaso.

Waxaa sidoo kale jiray weerarro ay kooxda la baxday dowladda Islaamka ee la bartilmaamedsadeen Turkiga, gaar ahaan garoonka Istanbul.

Sheekadii iigu naxdinta badneyd waxay ahayd wareysi aan ka qaaday Cali Alsaho, oo ka mid ahaa qaxootiga Suuriya ee Turkiga ku sugnaa.

wuxuu u sii talaabay oo uu u tahriibay Yurub. Mukhalisiin ayuu siiyay lacag kuwaas oo ku qaaday doon alwaax ka samaysnayd, balse 15 daqiiqo ka dib waxaa soo galay doontii biyo.

Waxaa halkaasi Cali kaga dhintay xaaskiisa, 7 caruur ah oo midka u yar uu jiray 20 maalmood.

Waxaa jiray sheekooyiin musiibo ah oo aan la tirin karin oo ku saabsan qaxootiga Suuriya.

Ku dhawaad 4 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah ayaa imika ku sugan Turkiga.

Sawirka Mr Erdogan

Erdogan sidii uu uga taqalusay dadkii ka soo horjeeday

Markii qaar ka mid ah askartii Turkiga ay isku dayeen afgembigii dhicisoobay ee 2016-kii, waxaa markiba uu shakigu noqday in dibadda Turkiga laga soo maleegay.

Afgembiga oo ay ku dhinteen 260 qof, ayaa waqti cusub oo isbadal ah u horseeday Turkiga.

Waxay sidoo kale dhiiragelisay Mr Erdogan, oo bilaabay howlgallo lagu soo qabqabtay 250,000 oo qof, dad ayaa shaqada laga ceyriyay halka kuwa kalana shaqooyiinkooda hakad la galiyay.

Ma hilmaamayo ereyada hooyo 82 sano jir ah oo aan wareysi ka qaaday taas oo sheegtay in laga joojiyay lacagihii howlgabnimada laguna tilmaamay “iney argagixisada taageerto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here