Dawlada Kenya Oo Shaacisay Tirada Diyaarado Dagaal Oo Ay Ka Iibsatay Dalka Maraykanka.

0
351

 Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dowladda Mareykanka ay ka iibsatay lix ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka loo yaqaano.

War ka soo baxay Wasaaaradda difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in lixda diyaaradood oo ah nooca choppers ay dhawaan tagayaan Kenya.

Lynn Tilton, oo ah madaxa fulinta shirkadda sameysay diyaaradahaas ayaa sheegtay in sidoo kale dowladda Kenya u tababarayaan duuliyayaashii ka xeyn lahaa iyo shaqaalaha ka shaqeynaya.

Diyaaradahan ayey Kenya sheegtay inay u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Saraakiisha u hadashay Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa sheegay in diyaaradahaas saldhig looga dhigayo Garoonka Ciidanka Cirka Kenya ee Moi oo ku yaalla Mombasa.

Dowladda Kenya ayaa hore u sheegtay inay iibsatay 12 diyaaradood kana iibsatay Mareykanka hayeeshee aan wali la gaadhsiin dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here