Maxay Dalxiisayaashii Aadi Jiray Taj Mahal U Doorbideen Xaafadaha Isku-raranka?

0
410

“waa maalin aad u wanaagsan,” waxaa sidaasi sheega mid ka mid ah dadka darsa dalxiiska xaafada isku-raranka ee Dharavi ee ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya:

“Caadiyan qof walba waa mid saaxib kula ah . Ma jirin qof dawarsanaya oo aad arkayso .”

Dalxiisahani waa mid ka mid ah kumannaanka qof ee guud ahaan caalamka ee imika go’aansaday inay booqdaan xaafadda isku raranka ee ugu wayn eeshiya si ay uga qayb qaataan kobaca dhaqaalaha goobtaasi gaar ahaan dalxiiska isku raranka ama waxa loogu yeero ‘dalxiiska saboolka’.

Magacan muranka dhaliyay ayaa waxaa uu ku saabsan yahay dalxiisayaasha booqda goobaha ay degan yihiin dadka saboolka ah marka ay fasaxyada ku jiraan si ay wax uga ogaadaan xaalada noolasha ee dhabta ah ee dadka saboolka ah.

Mid ka mid goobaha dalxiiska ayaa ah xaafadda isku rarankaee Dharavi oo dhawaan loogu magac daray midda ugu khibradda fiican ee loo dalxiis tago dalka Hindiya.,waxay xitaa ka sare martay goobta loo dalxiis tago ee Taj Mahal oo horey uga mid ahayd meelaha aadka loogu dalxiis tago.

“Badankood waxay ka yimaadeen Mareykanka,Britain iyo Australia,” waxaa sidaasi sheegay Krishna Pujari, oo sanadii 2005 asaasay shirkadda dalxiiska iyo socdaalka ee Reality Tours and Travel, oo ah shirkadda bixisa adeegyo abaalmarin lagu muteysto.

Dadka maxaliga ah shirkadan waxay u yaqaanaan mid ka mid ah shirkadihii ugu horreeyay ee dhanka socdaalka oo diiradda saarta adeegga dalxiiska xafadda isku raranka ee Dharavi.

“Markii nin saaxibkey ahaa oo u dhashay Britain Christ Way uu markii ugu horreysay ii soo jeediyay inaan asaasno shirkad dalxiis oo xaafadah isku raranka ah ,waan la yaabay,maxay tahay sababta uu qof u soo booqanayo goob isku raran ah ?balse waxaan ogaaday in ay jiraan waxyabo badan oo laga baran karo xaafadaha isku-raranka.

xaafadda isku-raranka Dharavi ee Mumbai.

Dharavi ayaa ku taalla bartamaha magaalada Mumbai.

Waxaa lagu qiyaasay inay ku nool yihiin hal milyan oo qof ,waxaana ku yaalla guriyo cooshado ah ,wadooyin yaryar iyo goobo biraha lagu iibiyo.

Waxaa jira musqulo ay dadwaynaha wada isticmaalaan iyo tuubooyiin biyaha laga dhaansado ,balse faya-dhoorka iyo hanaanka bulaacadaha ayaa ah mid liita.

Raadinta khibrad

Marka maxaa ku qasbaya in dalxiisayaasha ay ku soo qulqulaan oo ay eegaan noolashooda.

“Isku-raranka waxaan booqanaynay muddo dheer,markii hore madadaalo ahaan ayaan u booqan jirnay, balse markii dambe waxay u jeedadu ahayd isbadal lagu sameeyo bulshada,” ayay tiri Melissa Nisbett, oo muddo 6 saacadood ah booqasho ku joogtay xaafadda isku- raranka Dharavi 2016.

Krishna Pujari, oo ak mid ah asaasayaasha Reality Tour & Travel,

“Xaafadaha isku-raranka ayaa loo arkay mid ana dhibaato lahayn,saboolnimada ayaa la dhayalsaday amaba loo arkay mid iska caadi ah ama dabiici ah ,” ayay intaa ku dartay .

“nagulama dhiirigalin in aan dhex galno dadka degaanka marka way adag tahay inaan ogaano dareenkooda .” ayay tiri Melissa Nisbett.

xaafadda isku-raranka Dharavi ee Mumbai.

Melissa ayaa dib u milicsatay dadka kale ee arrimaha dalxiiska ka shaqeeya ay u maleynayaan in dadka deegan xaafadaha isku-raranka aysan doonayn oo ay dhib u arkaan in sawiro lala qaato.

“Dadka deegaanka ayaa dareemaya in aan la takoorin islamarkana aad ugu faraxsan marka ay arkaan dad badan oo ajnabi ah oo daneynaya noolashooda,” waxaa sidasi sheegay Aditi Ratho, oo arrimahani cilmi-baarid ku sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here