Mudanka Iyo Haldoorka Beesha ARAB Oo Ka Muquurtay Shirweynaha Xisbiga WADDANI Iyo Cabdi Qaadir Jirde Oo Shirkii WADDANI Laga Dhex Baafinaayo

0
421

Mudanka Iyo Haldoorka Beesha ARAB Oo Ka Muquurtay Shirweynaha Xisbiga WADDANI Iyo Cabdi Qaadir Jirde Oo Shirkii WADDANI Laga Dhex Baafinaayo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani ayaan ka qayb ka ahayn shir weynaha xisbiga Waddani oo saaka ka furmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. 

 sababta uu uga muquurtay ka qaybgalka shirkan ayaa Ah kadib markii la fulin waayay heshiis xisbigaasi hoggaankiisu hore u gaadheen kaasi oo ahaa in doorashada madaxtinimo kadib guddoomiyaha xisbiga Waddani lagu wareejiyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde. 
 Dhan kale waxa ay wararku intaa ku darayaan in Cabdiqaadir Jirde uu sas wayn ka qabo siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xilligan awood ballaadhan ku dhex leh xisbiga Waddani. Isku soo wada duuboo ka muquurashada shirka ee Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa isku badeli karta khilaaf ka soo kala dhex gala hoggaanka sare ee xisbiga Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here