Kuuriyada Waqooyi ‘Waxay Tijaabisay Gantaallo’

0
378

Kuuriyada Waqooyi ayey suuragal tahay inay xeebteeda ka gantay gantaallo ridda dheer, sida ay ku warramayaan saraakiil u dhalatay Kuuriyada Koonfureed.

Gantaallada ayaa loo malaynayaa in laga ganay meel u dhaw magaalada dekadda leh ee Wonsan, waxa ayna socdeen ilaa 450km ka hor inta aanay ku dhicin badda Japan.

Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalladu ay sare u kaceen ilaa 910km.

Tijaabada ayaa waxa ay imanaysaa saacada un kaddib markii Pyongyang ay sheegtay in wadahadallada ku saabsan sidii lagu baabi’in lahaa nukliyeerkeeda ee ay Mareykanka kula jirto ay igu dambayntii dib u bilaaban doonaan Jimcaha.

Wararka waxay soo ifbaxeen markii mas’uuliyiinta ay ku warrameen in Kuuriyada Waqooy ay tijaanbisay hubka mid kamid ah gantaalkana uu ku dhacay badda Japan.

Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe wuxuu cambaareeyay tijaabada gantaallada Kuuriyada Waqooyi kuwaas oo uu ku sheegay inay ahaayeen labo gantaal, xukuumadda Tokyo waxay sheegtay in mid kamid gantaallada uu kusoo dhacay biyaha Japan gaar ahaan aagga gaarka ah ee dhaqaalaha.

Abe wuxuu weriyeyaasha u sheegay in tijaabada gantaallo noocaas ah ay kasoo horjeedo qararka Qaramada Midoobey.

 

Dhanka kale, miliatariga Kuuriyada koonfureed waxay sheegeen in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay ugu yaraan mid kamid ah gantaallada riddada gaaban kaaso oo ay u gantay dhinaca badda bariga ku taalla ee gacanka Kuuriya.

Afahayeenka dowladda Japan Yoshihide Suga wuxuu ka dhawaajiyay inay u muuqato in labo gantaall ay kuuriyada waqooyi tijaabisay mid kamid ah uu ku dhacay badda Japan.

Tijaabadan hubka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa imaaneysa saacado uun kaddib markii xukuumadda Pyongyang ay shaaca ka qaaday in wahadallada ku saabsanaa barnaamijka nukliyerka ee lagu waday inay dhexmaraan Mareykanka ay dib u bilaabmayaan dabayaaqada toddobaadkan.

Kuuriyada waqooyi waxay si joogta ah u tijaabisaa hubka iyadoo isku dayeyso inay cadaadis saarto dalalka gobolka.

Wadahadalladan ayaa ah kuwii ugu horreeyay tan iyo bishii Febraayo markii uu fashilmay wadahadalladii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waxay labada dhinac u muuqdaan kuwo sii kala fogaanayo.

Dadaalka diblumaasiyadeed ee uu wado Trump ayaanan waxbo ka qaban halista Nukliyerka ee ka imaaneyso dhinaca Kuuriyada Waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here