Kooxda Taliban Oo Dad Ku Afduubatay Afqanistaan

0
391

Sarakiisha dalka Afqaanistaan ayaa waxay sheegeen in kooxda Taliban ay afduubteen toboneeyo qof oo rayid ah .

Afduubka ayaa sida ay saraakiisha waxaa laga afduubtay gobolka Ghazni ee ku yaalla bartmaha dalka.

Sargaal sare oo ka howgala degmada Khwaja-Omari ayaa sheegay in dadkani ay ku noolaayeen tuulooyiin ay maamulaan kooxda Taliban.

Balse afhayeen u hadlay kooxda Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in ay kaxeysteen oo kali ah 20 qof .

20 qof ayay Taliban ku tilmaameen in ay yihiin xubno ka tirsan maleeshiyaad ay dowladda taageerto.

Wararka ayaa sheegaya in dadka deegan tuulooyiinkan ee ay Taliban afduubteen ay ka dhaga adeegeen amarkii Taliban ee ahaa in aysan doorashadii madaxwaynanimada ka qayb qadan.

Kooxda Taliban ayaa waxay horey dadka uga digeen in ay ka qayb qaatan doorashadii madaxwaynanimada ee dalkaasi Afqanistaan ka dhacday.

Balse qaar ka mid ah codbxiyayaasha ayaa safaf dhaadheer u galay doorashda islamarkana codkooda dhiibtay.

Taliban waxay fuliyeen intii ay doorashada socotay dhowr weerar oo ay dad ku waxyeeloobeen.

Wadahadaladii ay Taliban kula jireen Mareykanka ay hakad galay ka dib markii uu madaxwayne Trump shaaciyay in ay joojiyeen wadaxaajoodkii ay kula jireen.

Kooxda Taliban ayaa waxay diideen in wax wadahadal ah la galaan dowoladda Afqaanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here