Qaramada Midoobey : Waa In La Joojiyaa Dadka Sababta La’aanta Loo Laaynayo Ee Ciraaq

0
388

Qaramada Midoobay waxay ku baaqday in la soo afjaro dilka micna-darrada loogu laynayo waddanka Ciraaq, xilli ay sare u kacday tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada dowladda loogaga soo horjeedo oo haatan ku dhaw 100.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay go’aan ka qaateen oo ay ka soo horjeedaan shaqo la’aan, adeegyada bulshada ee aadka u xun iyo musuq maasuqa dalka la degay.

Jeanine Hennis-Plasschaert oo Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha dalka Ciraaq waxay ku tilmaantay xaaladda ‘shan maalmood oo ay hareeyeen dhaawac iyo dhimasho’.

Waxay sheegtay inay mas’uuliyadda ay dusha saaran doonan kuwo laayay dadka rayidka ah’ waa in caddaalladda la hor geeya dadkii ka dambeeyay dilka’ ayay tiri sarkaalkan Qaramada Midoobey ka tirsan.

Sabtidii, ciidammada ammaanka waxay kala eryeen dad badan oo isugu soo uruuray waddooyinka bariga magaalada Baqdaad.

Shan qof ayaa ku geeriyootay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada caasimadda ee Baqdaad, waxaana mar kale lagu soo warramaya in ciidammada ay rasaas nool iyo gaaska dadka ka ilimeeyo ku kala eryeen dibadbaxyaasha.

Wararkii ugu dambeeyay

Guddiga xuquuqul Insaanka u qaabilsan baarlamaanka Ciraaq ayaa sheegay in ugu yaraan 99 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada halka 4,000 qof ay ku dhaawacmeen tan iyo markii dibadbaxyada ay ka bilaabmeen magaalada caasimadda ah Talaadadii ka hor inta ay qalalaasaha ku faafin koonfurta waddanka Ciraaq.

Waa dhacdooyinkii ugu dhimashada badanaa ee ka dhaca Ciraaq tan iyo markii laga guuleystay kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka sannadkii 2017-kii.

Waaxaana loo arkaa in arrintani ay dhibaato weyn ku tahay dowladda aan awoodda badan laheyn ee uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Caadil Cabdul Mahdi.

Waxaana saraakiisha ay isku dayayaan inay xaaladda dejiyaan xilli banddow lagu soo roggay magaalooyin dhowr ah, waxaana la xiray khadka Internetka.

Ciidammada ammaanka ayaa sunta dadka ilimeeysiisa ku kala eryay dibadbaxyaasha

Dibadbaxayada waxay ku faafeen magaalooyin dhowr ah

Ciidammada ammaanka waxay xireen waddooyin qaar ah oo ku yaal magaalada Baqdaad

Waxaa bandowga laga qaaday magaalada Baqdaad shaley oo Sabti ah.

Fagaaraha Taxriir oo ah goobta bar kulanka u ah dibadbaxyaasha ee Ciraaq ayaa la xiray, sida ay ku warramayaan warbaahinta gudaha.

Waxaa qabsoomi waayay kulan deg deg ah oo ay baarlaamaanka Ciraaq xaley ka yeelan rabeen dhibaatada ka taagan dalkaas.

Dibadbaxyaasha waxay dab qabadsiiyeen ilaa lix xafiis ay axsaabta siyaasadda ku lahaayeen dalkaas halka xarumo warbaahin la weeraray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here