Maxkamad Gaadhay Xukun Ka Nixiyay Madaxweyne Donald Trump.

0
366

 Garsoore ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku amaray inuu waaxda dambi baadhista ee New York uu u soo gudbiyo canshuur celintiisii ee 8-ddii sannadood ee ugu dambeysay.

 

Garsooraha ayaa diiday doodaha qareenada madaxweynaha ee ah in xasaanada guud ay ilaaliso isaga inta uu xafiiska joogo.

 

Mr Trump waa madaxweynaha kaliya ee Mareykanka soo maray ee aanan shaacin cashuur celintiisa tan iyo sannadkii 1960-kii.

Xukunkaan maxkamadda ayaa waxa uu sahlayaa baaritaanka ku saabsan lacagtii la sheegay in la siiyay labadii dumar ee sheegay inay xidhiidh la lahaayeen Mr Trump.

75-ka bog ee xukunka lagu qoray ayuu garsoore Victor Marrero ku sheegay in uusan aqbali karin “sheegasho aan xad lahayn oo ku aaddan xasaanadda madaxweynaha ee nidaamka garsoorka”.

Qareenada madaxweynaha ayaa islamarkiiba dacwad racfaan ah u gudbiyay maxakamadda sare.

Dhanka kale madaweynaha ayaa xukunka ka dib bartiisa Tweeter-ka soo dhigay in arrintani ay dabada ka riixayaan dacwad oogeyaasha Dimuqraadiga si madaxweyne Trump dambi loogu helo.

Baadhintaanka ayaa waxa uu quseeyaa lacag uu qareenkii hore ee madxweyne Trump siiyey laba haween oo sheegay inay xidhiidh la lahaayeen Mr Trump.

lacagta la sheegay in dumarkaasi la siiyay ayaanan loo soo gudbin guddiga doorashada ee federaalka.

Balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah lacagtaasi la bixiyay ma waxaa loogu talagalay in lagu dhowro sumacadda gaarka ah ee Mr Trump ama waxaa lagu difaacayay sharafta musharax madaxweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here