15 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Lagu Qaaday Masaajid Ku Yaalla Burkina Faso

0
339

Ugu yaraan 15 qof ayaa la sheegay in lagu dilay weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla waqooyiga dalka Burkina Faso, iyada oo uu weerakaasi dhaawac culus uu ka soo gaaray 2 qof oo kale.

Rag hubeysan ayaa weeraray masaajid weyn oo ku yaalla Salmossi iyada oo dadka masaajidka ku sugnaa xilliga uu weerarka dhacayey ay salaad ku jireen.

Waxayna dadki ku noolaa tuulada uu weerarka ka dhacay ay u qaxeen tuulooyinka ku yaalla xadka dalka Mali uu la wadaago Burkina Faso.

Dhowrki sano ee la soo dhaafay waxaa dalkaasi lagu dilay boqollaal qof oo ay badanaa dilkooda ka dambeeyeen kooxaha jihaad doonka ah ee dalkaasi ka dagaallama.

Qof deegaanka uu weerarka ka dhacay ku nool oo lagu magacaabo Gorom-Gorom oo wakaaladda wararka AFP u warramay wuxuu sheegay: “Laga billaabo subaxnimada saaka iney dadku billaabeen iney guriyahooda ka qaxaan”.

Wuxuuna intaa ku daray “inuu dhaqdhaqaaq iyo howlgal ciidan uu deegaanka weerarka ka dhacay uu ka socda”.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid weerarkaasi sheegatay.

Weerarrada kooxaha jihaad doonka ah ay ku qaadaan dalka Burkina Faso ayaa isa sii tarayey laga soo billaabay 2015-kii, weerarradaasi oo sababay in kumannaan dugsi oo waxbarasho in albaabka la isugu laabo.

Qulqulatooyinka ka dhaca dalka Burkina Faso ayaa intooda badan ka dhaca xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Mali oo ay ka dhaqdhaqaaqaan kooxaha jihaad doonka ah iyada oo weerarra isdaba joog ah ka fulinayey tani iyo 2012-ka marki ay ciidamada Faransiiska ka soo riixeen qayba badan oo ka mid ah dalka Mali.

Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR waxay sheegtay ku dhawaad rubuc malyuun qof ay seddexdi bilood oo ugu dambeeyey ay guriyahooda ka qaxeen iyaga oo ay ku qasbeen colaadda dalkaasi ka aloosan.

Toddobaadki la soo dhaafay weerar noocan ah oo ay kooxa hubeysan ku qaadeen goob laga soo saaro dahabka oo ku taallo waqooyiga dalkaasi waxaa lagu dilay 20 qof.

Kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Ogadugu ee oo ay kaga soo horjeedaan weerarrada ay kooxahaasi ku hayaan shacabka dalkaasi iyo dowladda sida ay waxba uga qaban la’dahay.

Dadka bannaanbaxayey qaarkoodna waxay ku dhawaaqayeen ciidamada nabad ilaalinta ee qaramada midoobay hanaga baxaana haddii ay dhibaatooyinka kooxaha Jihaad doonka ay ka hortagi Karin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here