Mo Farah: Wax Khalad Ah Ma Sameyn

0
346

Orodyahanka Mo Farah ayaa ku adkeysanaya inuusan sameyn wax khalad ah, xilli su`aalo laga weydiinayo tababarihiisii hore ee xayiraadda lagu soo rogay sababo la xiriira inuu meel uga dhacay xeerka oroddada, oo uu oggolaaday daawooyinka la isku duro ee tamarta kordhiya.

Alberto Salazar, oo ka caawiyay Mo Farah inuu noqdo orordyahanka ugu wanaagsan Britain ayaa toddobaadkii hore muddo afar sano ah laga mamnuucay tababarenimada orodyahannada.

Mo weligiis kuma uusan dhicin baaritaanka daawada aanan la oggoleyn ee tamarta siisa orodyhannada, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax isaga si gaar ah u quseeya oo la xiriira tababarihiisii hore.

Isagoo weriyeyaasha kula hadlayay Chicago, halkaasoo uu maanta kaga qeyb geli doono tartanka orodka, ayuu Mo sheegay inuu yahay mid ka mid ah orodyahannada la marsiiyo baaritaannada ugu badan guud ahaan dunida.

“Tani ma quseyso Mo Farah, waxay quseysaa Alberto Salazar. Ma ihi Alberto.

“Leyma siin waxba. Ma qaadan testosterone ama wax kale. Markaas iima muuqan wax khalad ah markaan halkaas joogay. Eedeyntani waxay quseysaa Salazar, ma quseyso Mo Farah.”

Inkastoo Salazar mamnuucid lagu soo rogay, haddana Farah ayaa ka caga-jiidayay inuu cambaareeyo tababarihiisii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here