Mas’uuliyiin Dhinaca Amniga Ah Oo Ka Socda Imaaraadka Carabta Oo Booqasho Qarsoodi Ah Ku Tagay IRAN.

0
305

 La-taliyaha amMaanka Qaranka Imaaraadka Mr. Tahnuun Bin Zayed ayaa booqasho qarsoodi ah ku jooga magaalada caasimada ah ee Tehraan, xilli xiisadDa ka taagan gacanka Khaliijka ay sii Xoogeysaneyso

Mid ka ah saraakiisha sare dhanka Amniga Imaaraadka ayaa u xaqiijiyay majalada Middle East Eye ee fadhigeedu yahay magaalada London.

Dhanka kale warkaan lagu daabacay website ka MEE ayaa waxa aan ka hadlin safaarada Imaaraadka uu ku leeyahay UK oo ka gaabsatay.

Safarkaan ayaa waxaa qeyb ka ah dhaxal sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zeyed oo ah walaalka ka yar boqorka dalkaas.

Kulanka mas’uuliyiinta sare ee maamulada Imaaraadka ayaa imaanaya kadib weeraro bishii May lagu qaaday afar markab oo waday shidaal oo ka shiraacday dekadda Imaaraadka ee Fujairah.

Xukuumadda Washington ayaa weeraradaas ku eedeysay ciidanka ilaalada kacaan ka Iiraan.

Bishii hore ayaa maamulka Dubai wuxuu soo dhaweeyay dadaalada ay wadaan hoggaamiyeyaasha Yurub si loo dajiyo xiisadda ka aloosan gacanka Khaliijka.

Wadamada Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku baaqayay in hab diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafka Iiraan kala dhaxeeya wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here