Madaxweyne Muuse is-casil ! Abwaan Mubaarik Qorubaxay

0
439

 

Abwaan Mubaarik Maxamed nuur Qorubaxay oo ka mida dadkii sida adka ugu olalaynaayay Madaxweyne Muse Bixi oo qoraal barta Facebuugisa ku qoray u soo jediyay Madaxweyne  muse Bixi inu is casilo iyo sababta

 

Madaxweyne waxa aad heshay fursad aanay helin ama aanu nasiibku ku simin in badan oo dalkan dhiig, dhaqaale iyo dhawaaqba u huray, qaarkoodna u dhinteen, qaarna u dhaawacan yihiin maanta. Macnaheedu maaha inaad ka garasho, dhalasho, dhiirasho iyo lexejeclo wacan tahay ee dadkeena oo gob ahi waxay xeerinayeen baa jira. Madaxweyne waxa aad tahay bashar khaldami kara sida qof kasta oo kale u khaldamo, sida haddii la doono qoraalkani aan kuu soo qorayaaba khalad u noqon karo.

Madaxweyne khaladaad badan oo dhaqan, siyaasadeed iyo hoggaamineed baa kaa dhacay muddadii aad joogtay. Waxa suuragal ah in aanay kas kaaga dhicin ee ay kula martay meesha, waxay lumiyeen dan badan oo qarrankani lahaa, horrumar weyna lagu tiigsan lahaa.

Madaxweyne markaad gollahaaga wasiirada la joogto waxaa la sheegayaa inaad u dhaqanto taliye hawlgelinta haysta oo aan ogolayn wixiisa wax ka duwan. Markaa madaxweyne maad soo dhoweysanin qofka fikir kaa duwan keena ee kaaga faaqida isagoo guushaada jecel. Cid walba way ogtahay qofka wax walba kugu raacaa naf kuuma hayo, waa guulwade kuu jibaysan sidaydoo kale.

Madaxweyne wasaarad kasta waxa aad geysay cid reerkaaga ah, haddii wasiirku cid kale noqdana waxaad hoos dhigtay ku xigeen ama agaasime guud oo reerkaaga ah, taasi macnaheedu maaha in aanay labo walaalo ahi xaq u lahayn xilka ummada, laakiin maxaa loo waayey hal wasaarad oo xaafadaadu ka maqan tahay.

Madaxweyne sida dadka badankiisu aaminsan yihiin, tallo guriga Habar-awal ka soo baxday Somaliland dhiqi mayso kuna badbaadi mayso ee ama guriga dooro ama Somaliland dooro midkood.

Madaxweyne mucaaradadii ragii kaa horeeyey la kulmeen maad arag, kii aad ku dheganayd intuu xisbigii kugu wareejiyey, ayuu ku soo sharaxay, oo kuu codeeyey, tolkii iyo reer somaliland oo dhana ku yidhi u codeeya.

Madaxweyne Somaliland waxa kala badha, Waridaad oo Caynaba u dhow, dalkii iyo dadkiiba bari ayay kaa jiraan lamaad imanin siyaasadii midayn lahayd. Wax way soo saaraane waxaa dhibtu ka timi xeerkii midaynta tacriifada iyo sidii loo qaabeeyey in Cashuurta wadanka soo gasha lagu qabto laba meelood oo ay degto Habar-awal oo ah Kalabaydh-Wajaale iyo Berbera. Hadda ogoow intaa dadka kaleba ma garan waayin oo dhul iyo xeeb aad u baaxad weyn lihi, laakiin waxay xeerinayaan wax wada lahaanshaha, way kicin karaan dekedaha Laasqoray, Xiis, Maydh, Raguudda, Karin, Ceeldaraad, Ceelgerdi, shalcaw iyo boqolaal kale, welibana dhaqaalaheedii way heli karaan. Inkasta oo aan labo gaar ula baxee Garxajis siyaasad baa la jeclaysiiyey, Habarjeclona Isaaqnimo ayaa la jeclaysiiyey intaasay xeerinayaane, dadku waa iska danaysan lahaa.

Madaxweyne intii KULMIYE talada qabtay dadkii iyo dalkiiba wuu tafaraaruqay, kala shakiyey, kala qaybsamay, siyaasadii gooni isu-taaga Somaliland way diciiftay, markaa waxaan u arkaa inay hungoobeen inbadan oo ummada kaa majeeratay.

Madaxweyne talliyaha ciidamada reernimo ayaa laguu jeclaysiiyey, madaxweyne Somaliland soo maray oo ka dhigtay taliyaha ciidanka iyo mid ka mida afarta wasaaradood derejada koowaad ( Maaliyada, gaashaandhiga, arrimaha debeda ama Arrimaha gudaha) ma jiro adiga mooyaane, Cigaal waxa u kala hooseeyey gaashaandhiga Cabdiraxmaan Tolwaa iyo Xasan Cali Abokor, marna cabdillaahi Dareewal baa bedeley, iyo Cismaan Dacas oo taliyihii ciidanka noqday, waa markii aad adigu ahayd Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo markii lagaa bedelay wasaaradaas Habbane la geeyey taliyaha ciidamada, waxana uga sareeyey Eng. Caynab. Taasi waxay ku tusaysay inuu siyaasi ahaa, Markaa madaxweyne arrintaas lamaadn qajilin ee waad ku sii indho adaygtay inaad bedesho bay ahayd General Taani oo waxa aad ogtahay laga tirsanayo.

Madaxweyne taliyaha Ciidamada Booliska waxaa Borama markii laga yimi hayey, Jeneraal Cabdi Dhiboo oo reer Laascaanood ahaa, maantana iyagaa in laga soo xulo xaq u lahaa ee Isaaq inay ku meeraystaan may ahayn.

Madaxweyne waxaa ii muuqata in aanad ka midho dhalin karaynin siyaasad dadka isku wadi karta, siyaasad citiraaf keeni karta, Wax macno ah ma samaynayso inaad Ilkacase Kismaayo u dirto oo aad telefoonkiisa kala hadasho Axmed madoobe iyo Xasan Sheekh, markaa waxaan talo nasteexo ah kuugu soo jeedin lahaa iscasil.

Wixii aan ka booday qurraarid (editing) waan ula tegi doonaa insha allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here