Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Farriin Waano Ah U Diray Reer Ceel-Afweyn.

0
361

Hargeysa(Qoryaalenews)-Suldaanka guud ee Beelaha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa hadlay muhiimada ay nabadgalyadu leedahay,waxaanu baaqay in ilaalinta nabadgalyada xooga la saaro, oo aad looga dheerado wax kasta oo dhib keenaya, waxaanu ku taliyey in laga heshiiyo wax walba oo la isku hayo.

 

Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray labada beelood ee wada dega Ceel-afweyn, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Labada reer ee wada dega Ceel-afweyn, waxaan leeyahay wada dhalashadiina iyo walaaltnimadiina ilaaliya, heshiisyada dhawrka ah ee aanu dhexdiina ka dhalinay ilaaliya, ducada aanu idiin ducaynay eega oo duco mooye habaar ha kasbanina,oo dagaal, dil iyo nabadgalyo daro faa’iido ma leh ee nabada ilaaliya,  dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaana waxaan leeyahay nabadu waa qaali oo waa muhiim ee nabada ha la ogaado, oo ha la ilaaliyo, wax kasta oo la isku khilaafana si wacan ha loo dhammeeyo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here