Dowladda Soomaaliya Maxay Ka Tiri Hadalkii Ka Soo Yeeray Safiirka Mareykanka Ee Kenya?

0
301

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalkii ka soo yeeray safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter ee ahaa in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka dalbaday in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ.

bbc

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in uusan jirin kulan dhexmaray safiirka iyo Madaxweynaha.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan war galinaynaa in uusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor “, ayuu yiri safiir Tarsan.

Wuxuu intaa ku daray in wargayska The Daily Nation ee daabacay warbixintan looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.Tarsan

Ma jirin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho dhowr bilood ka hor.
 

Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyksa ugu afka dheer dalka Kenya ee The Daily Nation ayaa wax lagu weydiiyay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal.

“Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda ,” ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya.

Kyle ayaa waxaa kale oo uu sheegay in caqabada ugu weyn ee hortaala madaxda Kenya iyo Soomaaliya ay tahay sidii looga adkaan lahaa ururka Al Shabaab, taas na ay tahay qaabka keliya ee looga faaideysan karo kheyraadka badda.

Safiirka oo aan sheegin xilliga uu tegay Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya uu wado dedaalo lagu xallinayo arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here