Ruushka Iyo Turkiga Oo Gaaray Heshiis Ka Dhan Ah Kurdiyiinta

0
307

Turkiga iyo Ruushka ayaa waxay ku heshiiyeen waxay ugu yeereen heshiis “taariikhi ah” oo looga gol leeyahay in xoogagga Kurdiyiinta looga nadiifiyo xuduudda Turiga iyo Suuriya.

Turkiga ayaa bishan bilaabay howgallo ay Kurdiyiinta uga sifeynayaan xuduudda islamarkaana ay ku sameynayaaan aag nabdoon.

Ruushka ayaa saaxiib dhow la ah madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad waxayna walaac ka muujiyeen faragelinta dalalka shisheeye ee gudaha Suuriya.

Ruushka iyo Turkiga ayaa imika si wadajir ah u sameynaya howlgal amniga lagu sugayo.

Heshiiska labada dhinac ayaa yimid kaddib markii Mareykanka uu si lama filaan ah ciidamadiida ugala baxay waqooyiga Suuriya.

Dadka faaqida arrimahan ayaa waxay heshiiska Ruushka iyo Turkiga ku tilmaameen mid muujinaya galaangalka Ruushka iyo Turkiga ee gobolka.

Turkiga ayaa waxay arrintani uga dhigan tahay in ay gacanta ku sii hayaaan goobihii ay Kurdiyiinta ka saareen.

Maxaa lagu heshiiyay?

Militariga Turkig ayaa waxay gacanta ku dhigeen dhul dhan 120km oo ah inta u dhaxeysa magaalooyinka Ras al-Ceyn ilaa Tal Abyad si loo sameeyo “goob nabdoon ” islamarkaana dib u dejin loogu sameeyo qaxootiga Suuriyaanka ee Turkiga ku sugan.

Ruushka ayaa waxay Turkiga ka aqbaleen in howlgalka uu sii socdo taasi oo meesha ka saartay halistii ahayd in labada dhinac ay isku dhacaan.

Bayaanka ay labada dhinac soo saareen ayaa lagu sheegay in xoogagga Kurdiyiinta “laga saari doono ” magaalooyinka Manbij iyo Tal Rifat oo labaduba ku yaalla aagga uu howlgalka ka socdo.

Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ayaan weli ka hadlin heshiiska Ruushka iyo Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here