Madaxweyne Shaqada Ka Eryay Dhammaan Golihiisii Wasiirrada

0
343

Madaxweynaha dalka Chile Sebastian Piñera ayaa kala diray dhammaan golihiisii wasiirada si uu u soo dhiso dowlad cusub uuna sameeyo isbedelkii ay dalbadeen mudaaharaadayaasha.

”Dhammaan wasiiradayda waan war-geliyay si aan dib u habeyn ugu sameeyo golaha wasiirada anigoo ka duulayo sidii aan u wajihi lahaa dalabkan cusub”, ayuu yiri.

Weli ma cadda isbedelka iyo isku shaandheynta uu sameyni doono.

In ka badan hal miyan oo qof ayaa shalay ka soo qeyb gashay dibedbixii nabdoonaa ee lagu dhigay magaalada Santiago kuwaasi oo dalbanayay in isbedel lagu sameeyo caddaaladda.

Mr Piñera ayaa sheegay inuu maqlay dalabka ka soo garaay waddoyinka magaala madaxda dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la qaaday bandoowgii toddobaad ka hor lagu soo rogay gebi ahaanba dalka.

 

Ugu yaraan 17 qof ayaa la dilay halka boqolaal kalana la dhaawacay tan iyo intii ay bilowdeen dibedbaxyada looga soo horjeedo sinnaan la’aanta kuwaasi oo socday muddo toddobaad ka badan.

Ciidamada ammaanka oo xiray haweeney dibed baxaysay

Waxay dibedbaxyda markii hore bilowdeen ka dib markii sare loo qaaday lacagaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha balse markii dambe mudaaharaadyada ayaa sii xoogeystay iyagoo dalbanayay in maciishadda la raqiisiyo iyo sidoo kale in la soo afjaro sinnaan la’aanta ka jirto dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here