Gabadh Soomaali Ah Oo Maamule Ka Noqotay Xarun Caafimaad Oo Caan Ka Ah Mareykanka

0
366

Dr Anisa Ibraahim oo qoxootinimo dalka Mareykanka ku tagtay ayaa hadda agaasime ka noqotay xaruun caafimaad oo carruurnimadeedi lagu daweyn jiray oo ku taallo Seattle ee carriga Mareykanka.

Dr Anisa Ibrahim waxay ahayd 5 jir marki ay ka soo qaxday dagaallada sokeeya oo ay tagtay dalka Mareykanka.

Warbixintan oo aan ka soo xigannay CNN ayaa sheegeysa iney Anisa iyo qoyskeeda ay Soomaaliya ka soo qaxeen 1992, iyada oo carruurnimadeedi wakhti ku soo qaadatay xera qoxooti oo ku taalla Kenya.

“Waxaa jiray dad aad u badan oo meel kooban ku wada nool annaga oo dhammaanteen ka soo cararnay saameynta colaadaha iyo dagganaasha la’aanta siyaasadeed,” ayey tiri Anisa oo 32 jir ah oo u warrameysay CNN. “Qoyska annaga nasiib ayuu leeyahay, waxaa jira saboolnimo aad u ba’an, nafaqa la’aan iyo cudurrada faafa iyo cudurrada dillaaca.”

Kaddib qoyska Anisa waxay aadeen dalka Mareykanka xilli ay da’da carruurnimada ku jirtay, iyada oo ay wehliso walaasheed ka yar oo cudurka jadeecada looga daweeyey dhakhtarka carruurta ee Harborview ee ku taallo Seattle.

Waa isla xaruunti halka ay maanta maamula ka tahay Anisa iyada oo labaatan sano ka badan ka soo wareegtay, xilli ay dib u dejinta loo sameeyo dadka qoxootiga ah ay cadaadis ku hayso aqalka cad. Welina waxay si gaar ah u daryeeshaa carruurta qoxootiga maadaamaa ay yaraanteedi waddadaasi ay soo martay.

 

“Anigu ma ihi qof dadka caadiga ah ka duwan,” ayey tiri Anisa. “Waxaa wakhti xaadirkan jira malaayiin qoxooti ah oo aan la siin fursadda aniga la i siiyey. Balse haddii ay fursado heli lahaayen waxyaabo la yaab leh sameyn lahaa.”

Dhakhtarkeeda wuxuu ahaa mid riyadeeda iney rumeyso ku dhiirrageliyo

Anisa Ibrahim waxay marwaliba jecleyd iney dhakhtar noqoto. Marka wakhtiga ay xaruunta caafimaadka ku qaadatay ayaa u suurageliyey riyadeedi si weliba la yaab leh. Daryeelka caafimaad ee loo fidiyey marki ay qoxootiga ahaydna, uu go’aankeedi beddelay, ayna sabab u noqotay “iney ku sii adkeysato” go’aankeeda.

“Dhakhtarka yaraanteydi igu daweynayey Harborview ayaa ka mid ah dadka igu horreeya ee i aaminay inaan dhakhtar noqon kara, ayey tiri Dr Anisa. “Aniga ka dhalinyaro qoxooti ahaan waxay tiri riyadeyda, aan damacsanaa inaan arko qof ku shaqeynaya ayaa micna badan ii sameyneysay.”

Dhakhtarkeyga waa Dr Elinor Graham, oo barafasoorna ka ah jaamacadda Washington takhasuskiisuna yahay dhakhtarka carruurta.

“Inta aan xaruunta caafimaadka ku suganaa carruurta waxaan marwalba weydiiyaa marka ay weynaadaan waxa ay doonayaan iney noqdaan, maxay tahay riyadaada? Waxaan xusuustaa Anisa oo ay da’deedu xilligaa ahayd 10 jir waxayna igu dhihi jirtay waxaan doonayaa inaan noqdo dhakhtarka carruurta sideyda oo kale,” ayuu yiri Graham oo CNN u warramay.

Kaddib, marki ay Anisa ka qalin jabisay kulliyadda caafimaadka jamacadda Washington, Dr Anisa waxay 2016-kii ku biirtay Harborview iyada oo dhakhtarka guud ee carruurta ah. Bishi September-na waxaa loo dallaacsiiyey maamulaha xaruunta.

“Waxaan dareensanahay in Dr Anisa Ibrahim agaasime ka noqotay isla xaruunti aan anigu ka ahaa dhakhtarka caruurta, isla-doorki aan ku lahaana ay kaqabato shaqadi aan caafimaadka aniga ka hayey,” ayuu yiri Graham isaga oo Anisa ugu yeeray maamule wanaagsan oo u adeegeysa dadka soo galootiga uu dakhligiisu hooseeyo, dadka qoxootiga iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Waxay la dagaallami jirtay aragtida khaldan ee laga qabo dadka qaxootiga

Dr Anisa safarkeedi ay ku tagtay mareykanka ma ahayn mid caqabad la’aan ah.

Gabar Soomaali ah oo weliba xijaaban waxay Anisa u muuqatay mid ay dadku la jecleen xirfadda ay sidato labbiskeeda dartii. Waxaa sida oo kale shaki weyn laga qabay in gabadhaasi loo oggolaado waxbarashada dhakhtarnimada.

Anisa oo curadka qoyskeeda ah ayaa noqotay gabadhi ugu horreysay oo wax ka barata Mareykanka, waxayna gabdhan yar ay bulshada ay ku dhax nooleyd kala kulantay cadaadis xooggan si ay ula qabsato nidaam iyo hab noolaleed ay horay u aqoon oo ku cusub, ayey tiri.

“Caalam aadan aqoon inuu gudaha u gasho dhibkeeda ayey leedahay,” ayey tiri Anisa. “

Anisa waxay ka timid dhaqan adag oo ay bulshada Soomaalida leedahay, caqabadaha ay bulshada kala kulanto ayaana ka mid ah waxyaabaha ay u soo dhabar adeegtay, ayey tiri Dr Anisa.

Hadda waxay Dr Anisa haysataa laba gabdhood ilmihi seddexaadna waddada ayuu ku soo jira, Anisa muhiimad gaar ah ayey u leedahay si la mid ah waaliddin badan ay waxbadan u hurto hooyanimada iyo caafimaadka iyo caafimaadka iyo hooyanimada.” Dad badan oo bulshada ka mid ah ayaa caawiya iyaduna sida oo kale bulshada ayey caawisaa.,

Haddaba, maanta Dr Anisa waxay maamula ka tahay xaruun caafimaad oo ku taallo Seattle waxayna daryeeshaa bukaanka gaar ahaanna kuwooda qoxootiga iyo soo galootiga isugu jira oo dhawaan dib u dejinta looga sameeyey Seattle. Waxay sida oo kale ka shaqeyneysa sidi ay xaaladdooda caafimaad ay wax uga baddali lahayd carruur uu xaalkoodu yahay midki ay Anisa ku sugneed 26 ka hor, iyaada oo rajeeyneysa iney la dagaallanto aragtiyada khaldan ee laga qabo qoxootiga ku sugan gudaha dalka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here