Wada-hadallo Sacuudiga Loogu Ogolaanayo Samaysashada Nukliyeer Oo Socda.

0
340
FILE PHOTO: Saudi Arabia's Crown Prince Mohammed bin Salman attends a meeting with U.S. Secretary of State Mike Pompeo in Jeddah, Saudi Arabia, September 18, 2019. Mandel Ngan/Pool via REUTERS

 Xoghayaha Tamarta ee Mareykanka Rick Perry ayaa Sabtidii sheegay inay wada-hadallo la leeyihiin Saudi Arabia, kuwaas oo ku saabsan in dalkaas uu yeesho barnaamijka Nukliyeer ah.

 

Dowladda Sacuudiga oo kamid ah dowladaha ugu sarreeyo adduunka ee dhoofiyo Saliida ayaa sheegtay inay dooneyso isticmaalka awoodda Nikliyeerka si ay u ballaadhiso noocyada kala duwan ee tamarta dalkaas laga adeegsado.

 

 

Waxay dooneysaa inay hore usii waddo barnaamij Nukliyeer oo buuxa oo ay ku jirto soo saarista iyo kobcinta Uraaniyaamka ee shidaalka.

 

 

Si shirkadaha Mareykanka ay ugu tartamaan mashruuca Saudi Arabia, Riyadh waxay caadiyan u baahnaan doontaa inay Washington la saxeexato heshiis ku saabsan adeegsiga nabdoon ee teknolojiyadda Nukliyeerka.

 

Wadahadalada labada Dowladood ee arrintaan ayaa aheyd mid aad u adag maadaama Sacuudiga ayna dooneyn inay saxeexdo heshiis meesha ka saaraya suurtagalnimada kobcinta yuuraaniyamka amma in dib loo isticmaalo Shidaalka la isticmaalay maadaama labadaas wado ay yihiin kuwa loo maro sameynta Bam Nukliyeer ah.

 

“Boqortooyada iyo hoggaanka boqortooyada Sacuudiga waxay heli doonaan waddo ay Mareykanka kula saxeexdaan 1,2,3 heshiis” ayuu yidhi Perry.

Isaga oo ka hadlaya kulan ka dhacay Abu Dhabi, Perry wuxuu raaciyay in Mareykanku uu sameynayo wax walba oo ay ku heli karaan saliid diyaarsan oo caalami ah.

“Waxaan nahay soo saarka koowaad ee saliida iyo gaaska adduunka, annagu uma jeedno inaan u isticmaalno hub ahaan. Waxaan rabnaa inaan ka dhigno mid meel kasta laga heli karo laguna tartami, ”Perry ayaa sidaas yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here