Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka wada QARDHO

0
430

Garoowe (QoryaaleNews) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo xalay ku hoyday Qardho ayaa kulamo ka bilaabay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda amniga iyo arrimo kale.

Deni ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga amniga Qardho, waxaana Madaxweynaha ay uga warbixiyeen horumarada laga sameeyey amniga iyo xaaladda guud ee gobolka.

Sidoo kale mas’uuliyiinta Qardho oo kulanka qeyb ka ahaan ayaa waxay Madaxweynaha uga warrameen hormarka ballaaran ee ka socda degmadaasi.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey muhiimada kulankaasi iyo socdaalka Deni oo la filayo in deegaano kale uu ku gaaro, kuwaas oo ka tirsan maamulkaasi

 

“Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha, waxay uga xog-warameen xaaladda guud ee Gobolka Karkaar iyo kan Degmada, Saraakiisha Laamaha Amnigu waxay ka warbixiyeec n sida xaaladda Amni ay u wanaagsantahay, horumarada laga sameeyay dhinaca Amniga, Masuuliyiinta heer Degmo waxay ka warbixiyeen hormarka balaaran ee ka socda degmada Qardho.” ayuu yiri Dabaraani.

Madaxweynaha Puntland oo shalay gaaray Qardho ayaa ujeedkiisu ahaa inuu xariga ka jaro dugsiga tababarka ciidamada ee Xorgoble oo dib u dhis lagu sameeyay, kaas oo uu shalay si rasmi ah u furay, Deni oo ka hadlay munaasabaddaasi ayaa sheegay in Puntland ay muhiimada 1-aad siinayso dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here