Xariiri oo xilka ra`iisal wasaarenimo ee dalka Lubnaan iska casilay

0
397

Ra’iisal Wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay ra`iisal wasaarenimo ee dalkaasi kadib dibedbaxyo baahsan oo dalkaasi ku faafay.

Xariiri ayaa waxaa uu sheegay inuu warqadda s-casilaadsa uu u gudbinayo madaxweyne Michel Aoun, iyadoo dibadbaxyo xooggan ay ka socdaan dalkaas, isla markaana lagu dalbanayo in uu xilka ka dego.

Waxa uu taleefishinka dowlada ka sheegay in uu go’aansaday inuu xilka iska casilo, uuna u hoggaansamayo rabitaanka shacabka dalkiisa.

Dalka Lubnaan ayaa muddo ku dhow labada todobaad waxaa ka socda dibadbaxyo ay dhigayaan shacabka ku dhaqan dalkaas, iyadoona uga soo horjeeda shaqo la’aanta iyo  musuq maasuqa ka jira dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here