Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo Kormeeray Waddada Cad ee Dhismaheedu ka Socdo Koonfurta Hargeysa

0
410

 

Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo Kormeeray Waddada Cad ee Dhismaheedu ka Socdo Koonfurta HargeysaWefti uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa kormeer ku tegay dhismaha wejiga saddexaad ee waddada cad ee isku xidhaysa Caasimadda Hargeysa, Salaxlay ilaa Ina-guuxaa, iyado ay waddadaas cad tahay jid dheer oo xidhiidhiya dalalka Somaliland, Itoobiya, Soomaaliya ilaa Kenya.

 

Weftiga Wasiir Cabdillaahi Abokor hoggaaminayo ee kormeerka u baxay shalay, waxa ka mid ahaa Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Wasiir-ku-xigeenka Horumarinta Maaliyadda, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Guurtida, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex iyo saraakiil kale oo dowladeed, halka sidoo kale ay goob-joog ahaayeen Guddida gacanta ku haysa dhismaha waddada cad iyo maayirka Degmada Salaxlay.

 

Waxa ugu horayn halkaas hadallo ka jeediyey Duqa Degmada Salaxlay Md. Ismaaciil Yuusuf Cismaan (Shiine), Guddoomiyaha Guddida Dib-u-dhiska Jidkaas Eng. Cabdirisaaq Wiiwaa, Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Sheekh Maxamed Cali Geeddi ka warbixiyey dhismaha waddada cad iyo halka ay waqtigan marayso, iyagoo u mahadnaqay cidkasta oo wax ku darsatay, isla markaana gacan ka gaysatay dhismaha jidka isku xidhaya Hargeysa, Salaxlay iyo degaannada ka sii shisheeyaba, waxayna si gaar ah ugu mahadnaqeen dowladda Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ay tilmaameen inay taageero weyn u muujiyeen dhismaha waddadan.

 

“Waddadani waxa hadda inoo samaysan oo carro-kaawuhu ku samaysan tahay 6km iyo badhkan la kala bixiyey iyo 7km oo aan weli la kala bixin, iyadoo marka xiitaa inta maanta lagu daro ay noqonayso ilaa 14km, waxa inoo hadhayna waxa weeyaan 7km in caro-kaawihii la dhigo, lana kala bixiyo, lana garaaco, waxaanan aaminsannahay in sannadkan inta aannu dhammaan aynu dhammayn doono Qool-caday ilaa Salaxlay, Insha Allaah, iyadoo aannu weliba jecelnahay in aannu ilaa Degaanka Inna-guuxaa-na sii wadno oo uu bannayntiisiina bilaabmay shalay (maalintii Salaasada) oo imminka dhirtii laga jarayo.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddida dhismaha waddada cad.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in jidkan dhismihiisu socdo uu muhiimad ballaadhan u leeyahay horumarka dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxyaabaha aynu ugu baahida badannahay imminka waxa ka mid ah isku-xidhka waddooyinka oo ah isku-xidhka magaalooyinka, sidaa la sheegayna waddo walba waxay wadataa dhaqaalihii iyo mushtamacaba oo runtii aad iyo aad ayey wax uga beddelaysaa dhaqaalaha dalka, Wasaarad ahaana hore ayaannu uga qaybqaadanay oo mar walbana wixii karaanka iyo awoodayada ah waannu qaadanaynaa.”

Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex Md. Khadar Baaruud oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa yidhi; “Runtii, anaga Gobol ahaan waddadani ahmiyad gaar ah ayey u leedahay Gobolkan Maroodi-jeex, gaar ahaan Caasimadda Qaranka Somaliland ee Hargeysa oo muhiimadda ay u leedahayna waxa weeyaan inay ku xidhayso dhammaanba koonfurta Somaliland, bariga Itoobiya ilaa Bariga Afrika oo ay Kenya ugu horayso.”

Waxa kaloo halkaas hadallo ka jeediyey xildhibaanno ka tirsan Golayaasha baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada), kuwaasoo sheegay in dhismaha waddooyinku ay muhiim u yihiin horumarinta dhaqaalaha dalka Somaliland, iyagoo xusay in waddada cad ee hadda dhismaheedu socdo ay noqonayso jid Caasimadda Hargeysa ku xidhaya degaanno badan oo Somaliland ilaa Itoobiya ah, sidoo kalena ay waddadaas cad tahay mid isku xidhaysa ilaa shan dowladood, waxayna ganacsatada ka codsadeen inay gacan ka gaystaan dhismaha iyo dhammaystirka jidkaas.

Waxa kaloo goobtaas hadal ka jeediyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md. Cabdiqaadir Maxamuud Dhega-weyne oo yidhi; “Runtii waxa aan xasuustaa waddadaas aynu imminka taagannahay sidii ay ahayd marka laga soo bilaabo ilaa sannadkii 2002 oo aannu bilawnay iyo indho-adayga aannu ku bilawnay ee aannu is lahayn bahashu mar uun ayey wax noqon doontaaye ha la bilaabo, iyadoo dadkii bilaabayna ay rag badan dhinteen, rag badan oo kalena ay qurbaha ku maqan yihiin, markaa waa Ilaahay mahaddii inay maanta meel fiican marayso, ragga maanta gacanta ku hayaana waa rag qiimo leh, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu ka abaalmariyo.”

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Cismaan Jaamac Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in jidadkani uu soo kordhin doono waxyaabo badan oo faa’iido u ah dalka Somaliland iyo bulshada degaanka laga dhisayo, waxaannu yidhi; “Waxa aad la socotaan in ujeedada laga leeyahay dhismaha waddadan ama jidkeennu ay tahay inuu intaas iyo in ka badanba uu keeno. Dowladdu waxay u leedahay barnaamij dhaqaalaha korintiisa ah ayey jidadka ka leedahay, markaa jidkan iyo qaar kale oo badanba waa waajibkeeda in ay wax ka tarto oo ay dhisto.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ugu dambayntii halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in dhismaha waddada cad ee dhinaca koonfurta uga baxda Caasimadda Hargeysa ay tahay mid muhiimad ballaadhan u leh kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka dalka Somaliland.

“Marka aannu eegno labadii sanno ee ah sannadkii hore (2018) iyo sannadkan (2019) waxa aannu qaadanay inay muhiim tahay in gacan laga gaysto waddooyinka kale ee ay dadweynuhu gacanka ku hayaan, iyadoo aannu imminka gacan yar idinka soo gaadhsiinay intan hawsha ah, laakiin waxa aannu jecelnahay inta ka hadhay sannadkan in aannu dhammaystirno oo imminka waxa aynu joognaa aasaaskii hoose (base), waxaanna inoo dhiman in waddo dhammaystirmayso marka aynu saarno qaybta sare (lakabka sare laamida ah) ama daamurka, laakiin inta ka horaysa waxay innooga baahanaysaa in kolba dayac-tir joogto ah lagu hayo, markaa waxa qorshaheennu yahay haddii Ilaahay yidhaahdo in aynu inta sannadkan ka hadhay aynu isku xidhno Sallaxlay iyo Qool-caday.

Waxaannu intaas ku daray Wasiirku; “Qorshaha sannadka 2020-ka Insha Allaah, waxa aannu jecelnahay in aynu isku xidhno Salaxlay iyo Ina-guuxaa. Markaa waxa aynu ku dedaalaynaa in maadaama ay waddadani tahay waddada labaad in aynu sida ugu dhakhsaha badan u galno sidii loo saari lahaa daamurka sare.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here