Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi dheere oo Xafladi Xalay ee Mideynta Qurbo Jooga Ka Muquurtay Iyo Gacan Ka Hadal Ka Dhex Dilaacday Xafladi.

0
381
Waftiyo culus ay ku sugnaayeen Maalmahanba Dalka ingiiriska soona dirtay Dawlada Somaliland oo ka mid ahaayen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali

London (Burcoonline) 02.11.2019 Iyadoo Waftiyo culus ay ku sugnaayeen Maalmahanba Dalka ingiiriska soona dirtay Dawlada Somaliland oo ka mid ahaayen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo Kuxigeenkisa iyo Gudoomiye kuxigenka Labaad Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi dheere iyo Gudoomiyaha kumeelgadhka Xisbiga Mucaaridka Wadani Cabdiqadiir Jirde iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo hore u joogay dalkan Ingiiriska iyo Fananka BK.
Ujeedka Xaflada ayaa ahaa in Jaaliyada Somaliland Dalkan Ingiiriska loo qabto xaflad lagu midaynaayo ayaa xalay ka dhacday magaalada London Xafada Southall ku taala galbeedka London xafladan ayan gebi ahaanba anu ka soo qayb galin Gudoomiye kuxigeenka Labaad Xisbiga xaakimka Kulmiye Axmed Cabdi dheere oo isagu xisbiga iyo Dawladaba matalaayay ilaa hadana dadweynihi xalay yimi xaflada iyo dadweynaha ingiiriska degan iswaydiinayan sababta uga maqnaaday isago ku sugan magaalada Birmingham dalka ingiriska reerkisu degan yahay.
Arinta kale xalay ka dhacday ayaa ahayd Buuq iyo Dagaal Gacan Ka Hadala oo ka dhacday xafladi kana Dhashay Dhalinyaro isoo soo abaabulay sidayna Sawiro ku jiran xubno isugu jira Suxufiyin iyo Culimo iyo Abwaano oo ku xidhan jeelasha Somaliland oo ka mid yihin Shiikh Adan Suno iyo Suxufi Cabdimalik Coldoon iyo Abwaan Bashe dhalinyarada ayaa ku soo qoray sawiirada qoralo ku qoran yihin (Somaliland cadalad kama jirto iyo midnimo ma jirto) halkaasna waxa ka Buuq Marki Dambe Dhalinti Banaanka Loo Tuuray.
No photo description available.
Qodobaka Sadexaad ayaa ah sida ku jirta Khudbada Faysal Cal Xusen ka jediyay shirki xalay Somaliland kama jirto dimuqradiyad waxana ku tuntay Madaxweyne Muse Bixi hadi u doorasho dalka ka qaban waayana waxaa noo qorshaysan in loo noqdo 2003 oo la qabto shir qarameed laga tashanayo Somaliland oo isugu yimaadan Beelaha Somaliland oo dhan.Isku soo wada dub shirkan xalay ka dhacay magaalada London ayaa dadka ka soo qayb galay ahayen Sadex qaybood sida ku arki doontan fiidhyowyada laga dubay xalay qar waa dad u yimi madadalo iyo heeso Fananka Bk u yimi iyo Group isku xidhan oo Xisbiga Kulmiya ah oo mar kasta yimada xafladaha Somaliland iyo Qayb Ucid ah oo faysal cali waraabe ku yimi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here