Dagaal Culus Oo Xalay Ka Dhacay Degmada Guriceel Ee Soomaaliya Iyo Faah Faahino Ka Soo Baxaya.

0
370
 
Dagaal ayaa laga soo sheegayaa inuu xalay saqdii dhexe ka dhacay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee Soomaaliya kaasoo sida wararku sheegayaan dhex maray ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna

Wararka ayaa sheegaya in rasaastu bilaabantay kadib markii gaadhi ka soo goostay dhanka ciidanka Ahlu sunna uu soo aaday dhinaca ciidamada dowlada ee ku sugan qeybo ka mid ah degmadaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya iney markii dambe isku dhaceen ciidamo ka tirsan ahlu suna oo daba taagnaa gaadhiga ka soo goostay iyo ciidamada dowlada oo meel ku dhow saldhiga Guriceel ku sugayey gaadhiga.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan, waxaana jirta xiisad ka taagan degmadaas oo labada ciidan u dhexeysa.

Dagaalka ayaa imaanaya xilli uu degmada Guriceel ku sugan yahay Wasiirka arrimaha Gudaha, sida ay xaqiijiyeen wariyeyaal ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Shaqaaqooyinkan ilaa Shalay ka dhacayay magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel ayaa salka ku haya khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgalay dawladda iyo Maamulka Ahlusunna kaasoo la xidhiidha arrimaha dhismaha Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here