Qaraxa Tal Abyad: Ugu Yaraa 13 Qof ayaa Lagu Dilay Magaaladaasi Suuirya

0
355

Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay qarax weyn oo gilgilay magaalada Tal Abyad, ee ku taal waqooyiga Suuriya ee ay gacanta ku hayaan ciidammada Turkiga, mas’uuiyiinta Turkiga ayaa sidaas sheegay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee waddanka Turkiga ayaa waxa ay sheegtay in ugu 20 qof oo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen.

Ciidammada Turkiga iyo fallaagada ay baritaaraan ayaa bishii la soo dhaafay waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Tal Abyad iyo magaalooyin kale oo ku yaal xadka kuwaas oo ay ka saareen ciidammada Kurdiyiinta, kaddib markii ciidammada Mareykanka oo ilaalinayay Kurdiyiinta ay meesha isaga baxeen.

Dagaalyahannada gacansaarka la leh Turkiga iyo dad rayid ah ayaa ku jiray dadka ku dhintay weerrarkii Sabtida, sida ay sheegayso hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay UK.

 

Hay’adda xuquulqul Insaanka ee indha-dhaysa xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in 30 qof oo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ayaa weerrarka waxa ay ku eedaysay maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG. Ilaa iyo haatanse ma ay jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerrarkaasi.

Turkey-backed Syrian fighters inspect the site of a car bomb explosion in the northern Syrian Kurdish town of Tal Abyad, on the border with Turkey, on November 2, 2019.

Turkigu muxuu ka sameynayaa waqooyiga Suuriya?

Milateriga Turkiga ayaa waxa uu galay dhulka xadka ku yaal ee ay maamulaan Kurdiyiinta ee waqooyiga Suuriya waxyar un kaddib markii ciidammada Mareykanka ay halkaas isaga baxeen.

Turkiga ayaa waxaa Kurdiyiinta kala dhaxeeya cadaawad muddo dheer soo jirtay waxa ayna doonaysaa inay xadka ka riixdo ururka YPG.

Turkiga ayaa waxa uu ku andacoonayaa in YPG uu yahay urur “argagixiso” oo ay qeyb ka yihiin ururka la mamnuucay ee Kurdiyiinta ee PKK ururkaas oo dowladda Turkiga la dirirayay tan iyo sanadkii 1984.

Ciidammada Turkiga ayaa waxa ay sameeyeen 120km oo “aag ammaan ah” laga bilaabo inta u dhaxayso magaalooyinka Tal Abyad iyo Ras al-Ain, iyadoo halkaas ka riixaysa ururka YPG. Ciidammada Turkiga ayaa Jimcihii bilaabay in roonddo ay wadajir ula sameeyaan ciidammada Ruushka.

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu wajahay dhaleecayn caalami ah oo baahsan taas oo uu ku timid go’aankiisii uu ciidammada dalkiisa uga saaray aaggaas, isagoo isaga tagay ciidammada Kurdiyiinta – kuwaas oo xulafo kula ahaa Mareykanka dagaalka ka dhanka ah ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, halkaas oo khasaare weyn uu ka soo gaaray – oo Turkiga uu u awood sheegtay.

Tobannaan kun oo qof ayaa waxa ay bishii Oktoobar isaga carareen guryahooda ku yaal magaalooyinka waqooyiga Suuriya, oo ay ka mid yihiin Tal Abyad iyo Ras al-Ain, xilligii ay ciidammada Turkigu soo galeen aaggaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here