Ragga Gaagaaban Ma Dhib Ayey Kala Kulmaan Iney Lamaane Helaan?

0
401

Qoraaga lagu magacaabo Alan Mot ayaa wuxuu dhawaan uu qoray qoraal ku saabsan ragga gaagaaban iney helaan lammaane ay noolasha la wadaagaan fikirkiisa ku aaddan. Fikirka qoraaga oo baraha bulshada uu ku baahiyeyna waxaa ka mid ah: “mar haddii aad tahay nin gaaban 10-kii dumar ah 8 ka mid ah waxay kaaga dhaqaaqayaan marka ay muuqaalka horay ka arkaan oo ay ogaadaan inaad tahay nin gaaban.”

Robert iyo saaxibaddii hore

 

Haddaba, dad badan oo fikrka Alan baraha bulshada ka helay isla-markaana akhriyey ayaa iyaguna ka falceliyey. Iyada oo ay dadka qaar gaar ahaanna ragga gaagaaban ay dadka la wadaageen waxyaabihi wanaagsanaa ama xumaa oo ay la kulmeen. Haddaba waxaa isweydiin leh qofka inuu gaabnaado iyo qofka kale inuu jeceyl la wadaago xiriirka ka dhaxeeya muxuu yahay? Haddaba qaar ka mid ah ragga fikirka qoraaga ka falceliey aan idinla wadaagno.

“Ragga waxay sheegaan iney ku dhibtoodaan iney helaan gabar ay noolasha la wadaagaan, anigu laakiin dhibkaasi lama kulmin” ayuu yiri Robert.

Robert oo u dhashay dalka sweden dhererkiisu waa 1 mitir iyo 50 seeni meetir. “Inkasta oo dalka Sweden ragga ku nool ay dhaadheer yihiin haddana wuxuu sheegayaa inuusan weligii dareemin inuu dadka caadiga ah uu ka duwan yahay waloow uu gaaban yahay”.

 

Robert wuxuu sheegay ragga saaxibbada la ah intooda badan iney yihiin kuwa dhererkooda uu u dhaxeeyo 1 mitir iyo 80 senti mitir ilaa iyo 1 mitir iyo 90 sinti mitir, hase yeeshee uu wax cidhiidhi ah dareemin.

“Arrinta aan ka been sheegi karin waxay tahay inaan mararka qaar ka fakaro haddii aan dheeraan lahaa.Ragga ila midka ah ee gaagaabanna waxay sheegaan iney helin gabar ay noolasha la wadaagaan, anigu laakiin wax dhib ah kalama kulmin.”

Waxaa kale oo uu Robert sheegay xiriir kasta oo aan dumarka la yeesho inuusan dhib ku ahayn. “inaan la hasaawa wax culeys ah kalama kulmo, inkasta oo ay jiraan dad badan oo u maleynaya qofka gaaban iney wax ka dhiman yihiin. Waxaan anigu soo jeclaaday ama xiriir aan la sameystay dumar iga dheer iyo kuwa iga gaaban intaba.”

“Ragga dhererkoodu uu ka hooseeyo 1 mitir iyo 80 seni mitir badanaa dumarku kama helaan” ayuu yiri Chris.

Chris wuxuu ku nool yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, dhererkiisuna waa 1 mitir iyo 70 Seni mitir. Wuxuuna Chris sheegayaa isaga oo adeeganaya appka ‘OkCupid’ inuu isku dayay inuu helo gabadh uu noolasha la wadaago.”

“Marka hore waxaan sheegay inuu dhererkeygu yahay 1 mitir iyo 70 senti mitir, balse dumarka aan farriinta u diray 20% oo keli ayaa ii soo jawaabay, iyaguna waxay ii sheegeen ninka ragga uu dhererkiisu ka yar yahay 1.80 inuu aad u farxad gelineyn.”

Waxaa kale uu Chris sheegay inuu markale xogtiisa hore gaar ahaan qaybta dhererkiisa uu ku beddelay inuu yahay 1.85, “Si la yaab leh gabdha aad u badan ayaa iigu soo jawaabay iney doonayaan iney noolal ila wadaagaan. Gabdhihi aan farriimaha u dirayna 50% waxay i soo siiyeen jawaab ay iigu sheegeen iney raalli ka yihiin iney noolal ila wadaagaan.”

“Gabar hore oo aan xirii lahayn waxay aad u jecleyd ninka gaaban” ayuu yiri Adrian.

Adrian dhererkiisu waa 1.63. Wuxuuna ka mid ahaa koox dhalinyara ah oo tartanka doomaha yaryar ka qayb qaata. Wuxuuna ka mid ah kooxda dalka Britain u qaadday biladda dahabka tartanka doomaha yaryar ee ciyaaraha Olombikada 1984-kii.

Adrian iyo saaxibbadii

Dhererkeyga dartii wax dhib ah oo aan kala kulmay ma jiro ayuu yiri Adrian, isaga oo weliba sheegay inuu nasiibkiisa aad u wanaagsanaa marka laga eego isaga oo gaaban inuu xiriir la sameysto gabar gayaankiisa ah.

“Saaxibaddeey hore waxay jecleyd ragga gaaban. Inkasta oo iyada dhererkeedu uu ahaa 1.80 hal maalin iyada oo gaabnideyda iney dhib ku qabto ama ku faraxsaneen ka sheekeyneyso ma maqal ayuu yiri. Weliba dadka marka ay na arkaan innaga oo wada soconno oo ay nala yaabaan waxay ugu jawaabi jirtay iney iyadu wax dhib ah ku qabin gaabnideyda.”

Adrian wuxuu intaasu ku daray “dadku waxay dhihi jireen inuu dabeecad aad u wanaagsan uu leeyahay mooyee sidey raalli ugu noqoto iney noolal la wadaagto. Balse xiriirka jeceylka wakhtiyadan casriga ah dumar badan oo dunidan ku nool ragga gaaban ma jecla iney noolal awdaagaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here