Talyaaniga Iyo Liibiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Ka Dhan Ah Muhaajiriinta.

0
333

Talyaaniga Iyo Liibiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Ka Dhan Ah Muhaajiriinta.

Dowladaha Talyaaniga iyo Liibiya ayaa dib boorka uga jafay Sabtidii shalay heshiis hore ay u gaadheen laba dhinac oo lagaga hortagayo socdaalka sharci-darrada.

Heshiiska oo loo yaqaan The MoU, ayaa Talyaaniga la saxeexday bishii Febraayo ee sanadkii 2017-dii dowlada caalamka aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo ra’isul wasaare Fayaz Al-Saraaj

Labada wadan ayaa isku raacay in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan ka hortagga tahriibka iyo falalka budhcadnimada ah ee ka dhaca xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga.

Inkastoo hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay walaac ka muujiyeen tacadiyada muhaajiriinta ay kala kulmayaan Liibiya ayaa hadane labada waxay ku dhiiradeen in ay meel mariyaan Heshiiskaan

Talyaaniga ayaa ka taageeri doono ciidanka ilaalada xeebaha Liibiya tababarida ciidanka badda qalabeynta iyo in ay ka qeyb qaataan xarumo loogu talagalay in lagu xanaaneeyo dadka muhaajiriinta Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here