Suldaan Kaahin Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Bogaadiyey Magacaabista Taliska Cusub Ee Ciidanka Booliska Somaliland

0
313

Suldaan Kaahin Oo Madaxweynaha Somaliland Ku Bogaadiyey Magacaabista Taliska Cusub Ee Ciidanka Booliska Somaliland

Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin oo ka mid ah Madax-dhaqameedka miisaanka culus ee Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey magacaabista Taliyaha iyo Taliye Kuxigeenka cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland .

Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin oo isaga oo ku sugan dalka UK warbaahinta la hadlay, ayaa ugu horeyn waxa uu hamabalyo u diray Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Gen.Maxamed Aadan Saqadhi “Dabogale” iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdi Xasan Mire .

Suldaan Kaahin ayaa sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku bogaadiyey magacaabista Taliyaha iyo Taliye Kuxigeenka cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland, oo uu xusay inay yihiin hogaan karti iyo aqoon u leh xilka loo magacaabay isla markaasina kasoo bixi kara waajibaadkiisa

Gagab-gabadii ayaa Suldaan Kaahin waxa uu masuuliyiintan ilaahay uga baryey inuu ku asturo xilkan cusub ee loo magacaabay masuuliyiintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here