Maayir Magaalo Ku Taal Bolivia Oo Timaha Ay Xoog Uga Jareen Dibadbaxayaal Caraysan

0
332

 

Maayirka magaalo yar oo ku taal waddanka Bolivia ayaa waxaa soo weerraray dibadbaxayaal mucaarad ah kuwaas oo ku jiiday waddooyinka iyadoo cagacad, waxa ay ku shubeen riinji gaduud ah sidoo kalana waxa ay xoog uga jareen timihii.

Patricia Arce oo ka tirsan tahay xisbiga haya talada ee Mas ayaa waxaa lagu wareejiyay booliska magaalada Vinto saacado kaddib markii la qabsaday.

Waa dhacdadii ugu dambaysay falal qulqulatooyin iyo iskudhacyo xiriir ahaa oo u dhaxeeyay taageerayaasha dowladda iyo mucaaradka kaddib doorashadii madaxtinimada ee uu muranka badan ka dhashay.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ilaa iyo haatan dhimatay.

Maxaa dhacay?

Koox dibadbaxayaal ah oo ka soo horjeeda dowladda ayaa waxa ay xireen buundo ku taal magaalada Vinto oo ah magaalo yar oo ku taal gobolka Cochabamba ee bartamaha Bolivia, arrintan oo qeyb ka ah dibadbaxyo ay wadaan tan iyo doorashadii madaxtinimada ee la qabtay 20-kii Oktoobar.

War aan sugnayn oo la faafiyay ayaa lagu sheegay in laba ka mid ah dibadbaxayaasha mucaaradka lagu dilay iskudhacyo dhexmaray kooxdooda iyo taageerayaasha madaxweynaha xilka haya, Evo Morale, arrintaasi oo sababtay inay caroodaan kooxda oo ay isugu soo baxaan dhismaha dowladda hoose ee magaalada.

Police escort Patricia Arce Guzman after people threw paint at her

Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay Maayir Arce ku eedeeyeen inay basas ku keentay taageerayaasha madaxweynaha si ay isugu dayaan inay meesha ka qaadaan jidgooyada ay sameeyeen waxa ayna ku eedeeyeen dhimashada la sheegay, taas oo markii dambe la xaqiijiyay dhimashada hal qof.

Xilli ay dad ku qaylinayeen “dilaa, dilaa” ayaa rag hubaysan oo afka soo duubtay waxa ay ku jiideen waddooyinka iyadoo cagacad ilaa markii dambe ay ka geeyeen buundada. Halkaas oo ay jilbaha dhulka u dhigeen, timaha ay kaga jareen riinji gaduud ahna ay ugu qubeeyeen. Sidoo kale waxa ay ku qasbeen inay saxiixdo warqaddii iscasilaadda.

Ms Arce ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu wareejiyay booliska kuwaas oo geeyay xarunta caafimaad oo magaaladaasi ku taal.

Police took Vinto mayor Patricia Arce Guzman away on a motorcycle after people threw paint at her

Xafiiskeeda ayaa dab la qabadsiiyay waxaana la burburiyay dariishadaha dhismaha dowladda hoose.

Yaa dhintay?

Qofka lagu dilay iskudhacyada u dhaxeeya taageerayaasha iyo mucaaradka madaxweyne Morales ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay 20 jir arday ah oo lagu magacaabi jiray Limbert Guzmán GuzmVasquez. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in Mr Guzmán Vasquez uu dhabarka ka jabay taas oo ay suuragal tahay inuu ka dhashay walxaha qarxa.

Waa qofkii saddexaad ee la dilo tan iyo markii ay iskudhacyada ka dhex bilowdeen labada dhinac 20-kii Oktoobar.

Maxaa sababay iskudhacyada?

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo habeenkii doorashada markaas oo si aanan la sharxin loo hakiyay tirinta natiijooyinka muddo 24 saacadood ah.

Protesters set fire to the mayor's office in Vinto

Hakintaas ayaa waxa ay sababtay in taageerayaasha musharaxa mucaaradka Carlos Mesa uu shaki ka galo in natiijada lagu shubanayo si loogu ogolaado Mr Morales, oo awoodda soo hayay tan iyo sanadkii 2006-dii uu shan sanadood oo kale uu xilka sii hayo.

Natiijada kama dambaysta aheyd ayaa waxa ay Mr Morales siisay waxyar wax ka badan boqolkiiba 10 oo uu ku horreeyo madaxweynaha si uu ugu guulaysto wareegga koobaad ee doorashada madaxtinimada.

Korjoogayaasha doorashada ee ka socday ururka ay ku midoobeen dalalka Ameerika ayaa walaac muujiyay waxaana haatan soconaya dib u eegis uu ururkaasi sameynayo. Sikastaba xaalku ha ahaadee, Mr Mes ayaa waxa uu diiday dib u eegistaas isagoo ku dooday in arrintaas la ogolaaday isagoo aanan ogolaan ama xisbigiisaba.

Mr Morales ayaa waxa uu Mr Mesa ku eedeeyay inuu afgambi ku dhaqaaqay halka taageerayaasha labada dhinacna ay isugu soo baxeen magaalada La Paz iyo magaalooyinka kalaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here