Maxay Ka Dhigan Tahay Talaabada Uu Muuse Biixi Kursigii Taliyaha Booliska Kaga Qaaday Beesha Arab Ee Uu Ku Siiyey Garxajis?

0
336

Ka dib markii Muuse Biixi loo doortay madaxweynaha somaliland dabayaaqadii bishii December ee sanadkii 2017 isla markaana uu dhisay xukuumadiisa waxa soo shaac baxay saluug badan oo laga qabo habka uu u qaybiyey kuraasta xukuumada.

Muuse Biixi ayaa si cad loogu eedeeyey sadbursi dheeraad ah oo uu siiyey beesha uu ka soo jeedo ee Habar Awal iyo beesha ay isgaashaanbuuraysiga siyaasadeed leeyihiin ee Habarjeclo arintaas oo keentay guux siyaasiya oo ka dhashay kaas oo sababay in beesha Garxajis ay shir ku qabsadaan buurta Gacan Libaax.

Muuse Biixi oo ilaa hada shirar kala duwan la yeeshay madax dhaqameedka iyo wax garadka Beesha Garxajis oo ay kaga imanayso mucaaridada ugu adagi ayaan fulin inta badan codsi ay hordhigeen.

Mid ka mid ah shirarkii ugu cuslaa ee dhexmara beesha Garxajis iyo Muuse Biixi ayey madax dhaqameedka iyo waxgaradka beeshaasi ku codsadeen in masuul beeshooda ka soo jeeda uu u magacaabo mid ka mid ah jananada ciidamada, iyada oo si weyn loo hadal hayey inuu xil ka qaadis ku samayn doono taliyaha ciidamada qaranka oo ay isku beel ka soo wada jeedaan.

Madax dhaqameedka iyo waxgaradka beesha Garxajis oo aan kursi gaar ah farta ku fiiqan ayaa si guud Muuse Biixi ugu sheegay inay ka sugayaan inuu u magacaabo janan ka mid ah ciidamada, balse codsigaasi ayaanu ka jawaabin isla markaana uu ka maagay inuu xil ka qaadis ku sameeyo jananka loogu hadal haynta badnaa ee Nuux Taani kaas oo ilaa hada kursigii ugu sareeyey ciidamada kufadhiya.

Muuse Biixi ayaa codsigii beesha Garxajis ka jawaabay laba sanadood ka dib isaga oo gacanta u galiyey kursigii taliyaha ciidamada booliska somaliland ka dib markii uu geeriyooday taliyihii hore Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Muuse Biixi ayaa codsigii beesha Garxajis kaga jawaabay in kursigii taliyaha ciidanka booliska uu uga qaado beesha Arab oo uu taliye ku xigeenka ciidanka booliska ugu badalay.

Hadaba sababaha ugu waa weyn ee ay tilmaamayaan dadka siyaasada falanqeeya ayaa sheegaya in Muuse Biixi uu doonayo in kursiga taliyaha booliska ee uu siiyey beesha Garxajis uu iskaga yareeyo culayska siyaasadeed ee kaga imanaya beeshaas iyo Beesha Arab oo uu u arkay inay haatan tahay cida kaliya ee uu si fudud uga qaadi karo kuraastii ay xaqa u lahaayeen oo markii hore-ba saami quudhsi ka haysatay xukuumadiisa.

 

Waxa kale oo xusid mudan in beesha Garxajis ay baraha bulshada isku marinayeen fariimo hambalyo ah oo ay ku soo dhawaynayaan kursigan loogu soo kordhiyey saamigii ay ka haysteen xukuumada, iyaga oo sababaha ay kursigan ku heleena ay ku sheegayeen maadaama ay samaysteen jabhad uu hogaaminayo Kornayl Caare oo keentay in loo kordhiyo saamiga ay dawlada ku leeyihiin.

 

sidoo kale wax garadka, siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka beesha Arab ayaan ilaa hada ka hadal sida ay u arkaan quudhsiga iyo dulmiga uu kula kacay Muuse Biixi isaga oo kursigii taliyaha booliska uga qaaday Garxajis isla markaana ugu badalay taliye ku xigeen halkii ay ka ahayd in ugu yaraan uu xil wasiir ah u soo kordhiyo.

Marka laysku soo duubo waxa la dhawrayaa in maalmaha soo socda uu banaanka u soo baxo dareenka ay beelaha Arab ka qabaan talaabada quudhsiga ah ee uu kula kacay Muuse Biixi, haddii ay ka hadli waayaan ama ka damqan waayaan ay noqon doonto talaabo uu Muuse Biixi ku tijaabiyo oo beesha Arab u horseedi doonta inuu kuraas kalana si fudud uga qaado oo ay noqdaan looma ooyaan.

Xigasho/Hadhwanaagnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here