Sanadguurada Darbigii Berlin: Merkel Oo Ka Digtay In Dimuqraadiyaddu Aanay ‘Sharaxaad’ U Baahnayn

0
308

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa waxa ay ka digtay in dimuqraadiyadda magac un laga dhigto, waxa ay hadalkaasi sheegtay mar ay ka hadlaysay xaflad lagu xusayay sanadguuradii 30-aad ee ka soo wareegatay markii la burburiyay Darbigii Berlin.

“Ma jiro darbi dad kala celin kara oo misana xaddidi kara xorriyadda… oo aanan la burburin karin,” ayey ku dartay.

Darbiga ayaa waxa uu kala qeybinayay Berlinta Bari ee uu Soofiyeetku maamulayay iyo Galbeedka Berlin ee dhinaca Galbeedka uu maamulayay intii uu socday Dagaalkii Qaboobaa.

Burburkii darbigaas 1989 ayaa waxaa loo arkay guul u soo hooyatay dimuqraadiyadda, waxa ayna horseedday in sanad kaddib uu Jarmalku dib u midoobo.

Sikasta oo uu xaal ahaadase, Mrs Merkel ayaa waxa ay Sabtidii ka digtay in “qiyamka lagu dhisay Yurub – ee xorriyadda, dimuqraadiyadda, sinnaanta, kala dambaynta sharciga, xuquuqda aadanaha – ay yihiin wax cad oo ay tahay in dib loo soo nooleeyo markasta iyo waqtikastana la difaaco.

“Wax marmarsiyo ah oo loo baahan yahay ma jirto si aannu u gudanno qeybta inooga aaddan xoriyadda iyo dimuqraadiyadda,” ayey ku dartay mar ay ka hadlaysay xafladda lagu xusayay Darbigii Berlin.

Dalal badan oo Yurub ah waxaa dhawaanahan soo badanayay kooxaha midig-fog, iyadoo dowladaha wadammada Midowga Yurub sida Poland iyo Hungary lagu eedeeyay inay sharciga wiiqayaan.

German Chancellor Angela Merkel brings a candle during the celebrations of the 30th anniversary of the fall of the Berlin Wall at the Berlin Wall Memorial site along Bernauer street in Berlin, Germany, 09 November 2019

Darbigii Berlin ayaa la burburiyay intii uu bartamaha iyo bariga Yurub ka socday kacaankii 1989, kaas oo lagu xilka loogaga xayuubiyay dhowr maamul oo uu wax ku maamuli jiray nidaamkii shuuciga ee Soofiyeetka, kaddib dibadbaxyo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.

Isagoo goobta ka hadlayay Sabtidii ayuu madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier ayaa waxa uu tacsiyeeyay dalalka dariska la ah Jarmalka, isagoo yiri: “Suuragal ma aanay noqoteen in kacdoonno nabad ku salaysan ay Bariga Yurub ka dhacaan oo ay dib u midoobaan Jarmalku haddii aynaan heli lahayn dhiirigelinta rabitaanta xorriyadda ee dadka Poland iyo Hungary, Czech iyo Slovakia.”

Sikastaba ha ahaatee, waxa uu istaasi ku daray in “Dimuqraadiyadda tijaabo lagu hayo oo su’aal la galiyay”, halka wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Maas waxa uu sheegay: “Awooddii Yurub waa ay ka sii wareegaysaa, waxaa kor usoo kacaya nidaamka xukun iskudhajinta, Mareykanka gudaha ayuu ku mashquulsan yahay”.

German President Frank-Walter Steinmeier, Hungary's President Janos Ader, Poland's President Andrzej Duda, Slovakia's President Zuzana Caputova and Czech Republic's President Milos Zeman place roses into a gap at the Wall memorial

Xoghayaha arrimaha dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo ayaanan joogin xafladda hasayeeshee waxa uu todobaadkan booqasho ku joogay magaalada Berlin.

Hadal uu Jimcihii jeediyay ayaa waxa uu kaga digay in “xorriyadda ma ahan mid weligeed la damaanad qaadi karo”.

Waxa uu dhaleeceeyay heer xuquuqda aadanaha ee dowladaha Ruushka iyo Shiinaha, waxaannu yiri: “Maanta waxaa sare u soo kacaya habka awood maquuninta.”

Sabtidii ayaa sidoo kale aheyd sanadguuradii Kristallnacht oo ah habeenkii la weerraray kumannaan guri ee Yuhuudda, goobaha ay ku cibaadaystaan iyo ganacsiyadii ay ku lahaayeen Nazi-gii Jarmalka iyo Austria sanadkii 1938.

Ku dhawaad 200 oo qof ayaa waxa ay ka qeybgaleen dibadbax ka dhacay magalaada Bielefeld ee waqooyi galbeed ee waddanka Jarmalka kuwaas oo taageerayay in uusan jirin xasuuq loo gaystay Yuhuudda, halka kumannaan qof oo ka soo horjeeda fashistaha iyo kooxaha garabka bidixe ay dibadbax kaas ka soo horjeeda ay qabsadeen, warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here