Nin Faransiis Ah Oo Isu Gubay “Maxaa lacag La’aan Iga Dhigay”

0
337

Arday 22 sano jir ah oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa xaaladiisa laga deyrinayaa, ka dib markii uu is gubay.

Ninkan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay dhibaatooyinka dhaqaale ee uu wajahayo, saacado uun kahor inta uusan isku gubin maqaaxi ku taalo afaafka hore ee jaamacadda uu dhigto ee Magaalada Lyon.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, labadii Madaxweyne ee isaga ka horeesaay, hogaamiyaha mucaaradka, Marine Le Pen iyo Midowga Yurub ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeyeen dhibaatada heysata noolashiisa.

Kooxaha dab demiska ayaa sheegay in ninkan jirkiisa uu boqolkiiba sagaashan gubtay.

. 

Ardaygan oo dhiganayay Jaamcadda Lyon ayaa sheegay in uu xamili waayay culeyska dhaqaale ee heysta, wuxuuna intaa raaciyay in bil walba uu isticmaalo lacag gaareysa 388 doolar.

“Waxaan Madaxweyne Macron, [François] Hollande, [Nicolas] Sarkozy iyo Midowga Yurub ku eedeenayaa in ay i dileen aniga; in ay hubanti la’aan ka dhigeen dhamaan mustaqbalkeena. Waxaa kale oo aan eedeenaya Le Pen iyo xisbiag shuuciga ah, kuwaas oo cabsi ku abuuray mustaqbalkeena,” ayuu ku qoray Facebokiisa.

Gabar ay wada socdeen ninkan ayaa ku wargelisay dowladda, ka dib markii uu u sheegay qorshaha uu damacsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here