Madaxweyne Sheegay “In Haweeney Ay Si Xeeladeysan U Afgembisay”

0
315

Haweeney lagu magacaabo Jeanine Áñez ,oo ka tirsan aqalka sare ee dalka Bolivia ayaa si iskeed ah ugu dhawaaqday in ay tahay Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalka Bolivia, kadib markii uu xilka iska casilay Madaweynihii dalkaas, Evo Morales.

Jeanine Áñez oo ah guddoomiye ku xigeenka aqalka sare, ka tirsan mucaaradka dalkaas ayaa sheegtay in ay tahay Madaxweynaha dalka Bolivia, sidaas na ay ku qoran tahay dastuurka dalkaas u yaala.

“Kahor inta aysan xilka imaanin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, anigoo ah guddoomiyaha aqalka Senetka, waxaan halkaas kula wareegay xilka Madaxweynenimada, wana sida uu qabo dastuurka inoo degsan,” ayay tiri Ms Áñez.

Sheegashadeeda ayaa waxaa taageeray maxkamadda dastuuriga ee dalkaas, oo sheegtay in maadaama uusan jirin guddoomiye barlamaan, iyadu ay ansax noqoneyso.

Madaxweyne Morales oo haatan magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Mexico kadib markii uu sheegay in nafsadiisa ay khatar gashay ayaa xilka ka degay isagoo ka xun, waxaana uu cadaadis kala kulmay shacabka wadankaas oo muddooyinkii dambe ku banaanbaxayay wadooyinka Magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

.

Morales ayaa cambaareeyay tallaabada ay isku caleema saartay Anez, waxaana uu ku tilmaamay “afgembi ka dhan ah isaga”.

Xildhibaanada aqalka Senetka ee ka tirsan xisbiga Madaxweynaha xilka baneeyay ayaa qaadacay ka qeybgalka kulanka barlamaanka, taas oo ka dhigan in aysan xildhibanada ku waafaqanin xilka ay isku magacawday Ms Áñez.

Waxaa ay haweeneydan sheegtay in dhawaan ay qaban doonto doorashada guud ee dalka Bolivia.

Sidee haweeneydan ku noqotay Madaxweyne?

Ms Áñez ayaa si kumeel gaar ah guddoomiye uga noqotay aqalka saree e dalkaa maalintii talaadada, taas oo ak dhigan in ay tahay qofka xiga ee badeli karo hadii uu Madaxwyenaha xilka baneeyo.

Haweeneydan ayaa xilkan qabatay, kadib markii uu iscasilay gudoomiyihii aqalka sare.

Hasayeeshee Madaxweynenimadeeda ayaa shaki la galay, kadib markii xildhibaanadii la rabay in ay ansixiyaan sharci ahaanshaheeda ay qaadaceen ka qeybgalka kulanka barlamaanka.

Xildhibaanada ka tirsan xisbiga Madaxweynihii hore ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday Anez ay tahay sharci darro.

Muxu eersaday Madaxweyne Evo Morales?

.                                                  

Madaxweyne Morales ayaa iscasilay axadii aynu soo dhaafnay, kadib toddobaadyo bannaanbax oo ka socday dalkaas, kuwaas oo looga soo horjeeday doorashadii lagu murmay ee dhawaan ka dhacday dalkaas. Waxaa uu sheegay in lagu qasbay in uu xilka ka dego.

Madaxweyne Evo Morales ayaa helay guul aan caga badan ku taagnyen, waxaana doorashadiisa su’aal geliyay urur goboleedka qaaradda Amerika oo sheegay in qaladaad badan ay dhaceen xiligii doorashada.

Ururkaas ayaa ku baaqay in doorashada waxba kama jiraan laga soo qaado, waxaana taas ay keentay in cadaadis uu la kumo Madaxweyne Morales.

Hasayeeshee markii dambe waxaa uu sheegay in doorasho horleh la qabto, balse hogaamiyaha mucaaradka oo doorashada kaalinta labaad ka galay ayaa ku baaqay in Madaxweynaha uu xilka ka dego.

Taliyaha ciidammada milateriga ee Bolivia, Jeneraal Williams Kaliman ayaa markii dambe Madaxweyne Morales ugu baaqay in uu xilka ka dego, isagoo eegaya xasiloonida dalka, baaqaas oo uu markii dambe ka dhabeeyay Evo Morales.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here