Madaxweynaha Mareykanka Donad Trump oo xafiiskiisa ku qaabilay Erdogan, sheegayna in uu aad uga helo

0
293

Shalay gelinkii dambe madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xafiiskiisa ama aqalka cad ku qaabilay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo booqasho maalmop ah uga bilaabatay dalka Mareykanka.

Labada masuul oo warbaahinta si wadajir ah ula hadlay kadib kulan gaar ah oo ay qaateen, ayaa waxaa uu madaxweyne Trumo sheegay in uu miradhal ahaa wadahadalkoosaadi, waxaana uu intaa raaciyay in aad uga helo madaxweyne Erdogan.

Wadahadalkooda ayaa waxaa qeyb ka ahaa arrin ay ku kala fogaadeen labadaasi dal oo salka ku haysa soo-iibsashadii Turkiga ee gantaalaha lidka diyaaradaha ruusha ee loo yaqaan S400, sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen arrimo ganacsiga khuseeya.

Trump ayaa sheegay in arrinta gantaalahaasi uu rajeynayo in ay si wadajir ah xal uga gaari doonaan, waxaana uu ka dalbaday wasiirkiisa arrimaha dibedda Mike Pompeo in uu xalkaasi ka mira-dhaliyo.

” – Waad wada ogtihiin in Turkiga yahay saaxiib weyn oo gaashaanbuurta NATO nagala tirsan, waana dal joqoraafi ahaan aad muhiim inoogu ah”, ayuu warfidiyeennada ku yiri madaxweye Trump.

Trump, waxa uu sheegay in isaga iyo Erdogan ay saaxiibo weyn yihiin, ayna labadooda dal isfahmayaan.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrinta Suuriya iyo dagaalka uu Turkigu kula jiro kooxaha Kurdiyiinta.

“Nasiib darro labadan dhinac waxa ay isa soo dagaalayeen mudo qarni ah, waxaan rajeynayaa in xabadd-joojinta iminka dhextaal ay sii socoto”, ayuu yiri Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here