Warbixin “Dagaal Saaka Dhexmaray Ciidamada Somaliland Iyo Jabhada Suldaan Wabar.

0
469

Faahfaahino dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saaka

waabarigii dhinaca xadka Itoobiye ee duleedka galbeed ee magaalada Borama ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo jabhada uu hogaamiyo Suldaan Wabar.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kooban,waxaana ciidamada Somaliland uga dhaawacay hal askari, iyadoo laga gubay-na hal gaari, sidoo kale ma jiraan wax khasaaro ah oo soo gaaray dhinaca Jabhada, sida ay shabakada Hadhwanaag u sheegeen dadka deegaankaasi.


Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamo ka socda dawlada Itoobiya ay soo gaadheen xadka saaka waabarigii lagu dagaalamay iyadoo xukuumada Biixi ay halkaasi udirtay ciidamo xoojin ah oo ilaa iyo haatan kusii qul-qulaya deegaanadaasi xadka ku teedsan.

Ilaa iyo hada ma jiraan waxa war ah oo kadoo baxay labada dhinac ee ku dagaalamay deegaanada Xadka ee u dhaw magaalada Borama, balse mar aan isku daynay inaan la xidhiidhno masuuliyiinta gobolka iyo jabhada wabar nooma suurtagalin inaan helno.

Xigasho , Hadhwanaagnews.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here